Rio Ferdinand Oo Qiimeeyay Fursadaha Xulka England Ee Ku Guulaysiga Euro 2024.

Rio Ferdinand ayaa aaminsan uu xulka England ku guulaysan doono tartanka Euro 2024 kadib markii  iska xaadiriyeen wareega 8 dhamaadka.

Ka hor bilowgii tartanka England ayaa ugu cad-cadaa tartanka laakiin waxa ay ku dhibataoodeen qaab ciyaareedka.

inkasta oo uu xulka England si weyn u dhibaatoonayo hadana Rio Ferdinand ayaa aaminsan in uu xulka England ku guulaysan doono tartanka euro 2024.

Isagoo ka falcelinaya guushii England ee wareega 16-ka, Ferdinand wuxuu ku yiri”Waxaa imaaneysa waqti tartan marka aad dhab ahaantii bilowdo inaad rumaysato inaad ku guuleysan doonto, waxaan filayaa inay tani tahay xilligan”.

“Inta ay ku sii socdaan xiddiguhu huteelka ay ka Dagan yihiin Germany way dabaal dagi oonaan laakiin nasiib ayaa caawiyay”.

“Waxa ay u gudbeen wareega 8 dhamaadka waxana ay ku jiraan qaybta ugu fiican ee isku aadka, waxana iska cad in aan ku guulaysan doono tartanka”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More