Sidee Ayaa Loogu Kala Baxay Gooldhalinta Champions League.

Waxa soo dhamaaday tartanka champions League oo lagu kala baxay Sabtidii Final ka dhacay Wembley.

Kooxda Real Madrid ayaa nasiib u yeelatay ku guulaysiga koobka markii 15-aad e taariikhdooda.

Dhinaca kale waxa lagu kala baxay tartanka gool dhalinta champions League iyada oo ay labada xiddig isku goolal noqdeen.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Harry Kane Iyo xiddiga PGS ee Kylian Mbappe ayaa ku wada guulaystay gool dhalinta champions League.

Labada xiddig ayaan gaadhin final-ka tartanka laakiin waxa ay ku guulaysteen gool dhalinta.

Xiddigaha Kane iyo Mbappe ayaa dhaliyay min 8 gool kulamadii tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More