Supercomputer Oo Saadaaliyay Xulalka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2024 Kadib Wareega 16-ka.

Kadib kulamo xiiso leh oo la ciyaaray kulamadii wareega Group-yada waxa la isku diyaarinayaa kulamada wareega 16-ka.

16 Xul ayaa iska xaadiriyay wareega xiga ee tartanka Euro 2024.

Xulalka Hungary, Scotland, Croatia, Albania, Serbia, Ukraine & Poland ayaa ku laabtay Guryohoodii kadib markii ay ka hadheen tartanka.

Kadib markii la soo saaray isku aadka wareega 16-ka euro 2024, Supercomputer ayaa saadaaliyay xulka ku guulaysan doona euro 2024.

Supercomputer ayaa xulka England siiyay fursada ugu fiican ee ku guulaysiga euro 2024 iyaga oo helay 20% fursad ay ugu guulaysan karaan tartanka.

Waxa ku xiga xulka Spain oo haysta 17.2% fursad ay ugu guulaysan karaan euro 2024.

Sawirkan hoose kaga bogo xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga euro 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More