Shaxda Rasmiga Ah Ee Ay Barcelona Caawa Kala Hortageyso

Tababare Ronald Koeman ayaa u muuqda mid ugu danbeyn ku aaminaya weerarka inuu hogaamiyo Braithwaite kaasoo kulankii afaraad ku soo bilaabanaya, wuxuuna booska kala baxayaa Ousmane Dembele oo keyd loo dhaadhiciyay.

Lionel Messi ayaa soo laabtay ka dib markii la nasasiiyay kulankii ugu danbeeyay ee Champions League, laakiin waxaa la sugayaa in la arko booska uu caawa ka dheeli doono iyadoo Griezmann uu sidoo kale ku soo bilowday kulankaan.

Da’ yarka Mingueza ayaa weli shaxda ku jira iyadoo Pjanic kursiga keydka loo celiyay. Weeraryahanka Denmark ayaa booskiisa ku ceshtay goolasha uu dhalinayo isagoo shabaqa soo taabtay seddex kulan oo isku xigta.

SHAXDA RASMIGA AH EE BARCELONA:

Barcelona XI: Ter Stegen, Dest, Mingueza, Lenglet, Jordi Alba, Busquets, De Jong, Coutinho, Messi, Griezmann, Braithwaite.

Keyd: Neto, Pena, Junior, Alena, Araujo, Dembele, Riqui Puig, Trincao, Pedri, Pjanic

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More