SAWIR: Kylian Mbappe Oo Dareenkii Ugu Cajiibsanaa Kusoo Dhoweeyey

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa dareenkii ugu cajiibsanaa kusoo dhoweeyey Karim Benzema oo dib loogu soo celiyey xulka qaranka France oo uu ka maqnaa tan iyo sannadkii 2015.

Didier Deschamps ayaa kulan la yeeshay Benzema, waxaanay iska laab-xaadheen wixii dhacay ka hor intii aan lagu soo darin xulka qaranka.

Karim ayaa xulka qaranka laga joojiyey sannadkii 2015 markii ay soo baxday fadeexaddii Valbuena oo dhowaan maxkamaddu ay u muddaysay in dhegaysigii kama dambaysta ahaa la qabto.

In Benzema lagu soo celiyo xulka, waxay bixinaysaa tilmaan ah in laacibkan aanu wax dembi ah lahayn oo muddadaasba la la’aa kiis dhab ahaan dusha loogu saarayo in uu ka dambeeyey cajaladdii laga duubay Valbuena xilli uu gogol-dhaaf samaynayay, laakiin uu isaguna isku dayay in uu dhexdhexaadin ka galo qoladii duubtay cajaladda iyo Valbuena, balse isaga lagu xidhiidhiyey in uu qayb ka yahay arrinta.

Xulka qaranka France ayaa tartanka Euro 2020 ee bisha June bilaabmi doona waxa uu heli doonaa ciyaartoydiisa ugu wanaagsan, iyadoo ay markii ugu horreysay iska garab ciyaari doonaan Karim Benzema iyo Kylian Mbappe oo aan nasiib isku helin.

Mbappe ayaa soo baxay intii uu Benzema kasii maqnaa xulka qaranka, laakiin hadda ayay afka hore ka wada ciyaari doonaan, iyadoo sidoo kalena Olivier Giroud iyo Antoine Griezmann ay kula tartami doonaan boosaska weerarka.

Weeraryahanakda da’da yar ee Kylian Mbappe ayaa markii xulka qaranka lagu dhawaaqay xalay fiidkii, waxa uu soo dhaweyn cajiib ah u sameeyey Karim Benzema oo uu sawirkiisa ku sameeyey Photoshop, isla markaana uu u xidhay garanka waqtigan uu xulku ku ciyaaro ee buluugga iyo madowga iskugu jira.

Mbappe ayaa sawirka ka dhigay mid ay si kal iyo laab ah isku salaamayaan Karim MBenzema, waxaana uu kusoo daabacay bartiisa bulshada ee Instagram, waxaana uu sawirku muujinayaa iyagoo u dabbaal-degaya guul ay gaadheen, laakiin wax qoraal ah masoo raacin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More