Qarax lagu laayay askar Kenyan ah oo ka dhacay Gobolka Lamu – Axadle

Nairobi (Axadle) – Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxeysa shilalka ka dhashay qaraxii ciidamada Kenya saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka xeebta ee Lamu ee dalka.

Qarax miino oo dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya oo ku sii jeeday deegaanka Baure ee Gobolka Lamu.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu guuleystay kadib iska hor imaad kooban oo dhex maray ciidamada Kenya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi waxa ayna shaaciyeen in dowlada ay iska caabin xoogan kala hortagtay Al-shabaab kadib

Qaraxa ayaa dhacay duhurnimadii meel u dhow xero milateriga Kenya.

Qaraxa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 askari halka ay ku dhaawacmeen seddex kale kuwaas oo la geeyay Narlirobi.

Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay weerarka, iyadoo sheegtay inay sidoo kale soo furteen saanad militari oo ay lahaayeen ciidamadii la weeraray.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya gudaha Kenya, iyadoo dilalka ugu badan lagu daro ciidamada amaanka ee dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More