SAADAAL: Afarta Semi-finalka Imanaya Iyo Kooxda Ku Guuleysanaya Koobka

Khabiirka ciyaaraha Graeme Souness ayaa saadaaliyey kulamada wareegga siddeedda ee tartanka Champions League ee Salaasada iyo Arbacada, waxaanu la saftay saddexda kooxood ee horyaalka Premier League oo uu kasii farxiyey.

Liverpool oo koobka ku guuleysatay sannadkii 2019kii ayaa raadinaysa in ay mar kale farxad ku dhamaysato si ay u illowdo dhibaatada ka haysata horyaalka Premier League, laakiin waxa ka horreysa Real Madrid oo ay wareegga siddeedda ku ballansan yihiin, waxaanay lugta hore u tegayaan Salaasada iyagoo ku ciyaari doona garoonka Alfredo Di Stefano ee magaalada Madrid.

Manchester City ayaa iyaduna ka hor tegaysa Borussia Dortmund oo ka mid ah kooxaha ugu weerarka wanaagsan qaaradda Yurub waqtigan, waxa se awood ahaan sarraysa City oo ka mid naadiyada loo saadaalinayo in ay ku guuleysanayaan koobka.

Chelsea ayaa ah kooxda saddexaad ee Ingiriiska ugu jirta tartanka Champions League ee wareegga siddeedda usoo gudubtay, waxaanay foodda isgelin doonaan FC Porto.

Ciyaarta afraad ayaa ah Bayern Munich iyo PSG oo nasiibkoodu isku aaddiyey mar kale iyagoo ahaa labadii kooxood ee wada ciyaaray finalkii Champions League ee ugu dambeeyey, isla markaana ay 1-0 koobka ku qaadday Munich.

Graeme Souness oo saadaaliyey kulamadan ayaa waxa uu sheegay, in saddexda kooxood ee Ingiriisku ay usoo gudbi doonaan wareegga semi-finalka, laakiin waxa uu ku xidhay shuruudo, isagoo yidhi: “Waxaan arkayaa in saddex kooxood oo Ingiriis ahi ay semi-finalka joogaan, taas oo ka dhigan in ugu yaraan hal koox ay u gudbayso finalka.

“Haddii Erling Haaland uu habeen wanaagsan qaato, Borussia Dortmund waxay tartanka Champions League ka tuuri kartaa koox kasta, haddii kale, waxaad qaadanaysaa City oo soo baxday.

“Dhamaanteen waxaynu ognahayin Liverpool ay niyad-jab ku jirto xilli ciyaareedkan, laakiin naftooda ayay kor ugu soo qaadi karaan ciyaarta toddobaadkan ay la leeyihiin Real Madrid, iyadoo xataa ay ka maqan yihiin laacibiinta dhaawaca sida Virgil van Dijk.

“Ciyaaryahanadda Real Madrid way daallan yihiin waqtigan. Waxay fadhiyaan kaalinta saddexaad ee horyaalka Spain, waxaanan shaki gelinayaa sida uu u wanaagsan yahay horyaalka LaLiga xilli ciyaareedkan.

“Waxaynu arkaynaa niyad-jabkii Atletico Madrid kasoo gaadhay ciyaaartii Chelsea ay ku wareegtay iyo in PSG ay si fiican u garaacday Atletico, sidaa darteed, waxa aan guusha siinayaa kooxdayda hore (Liverpool).

“Chelsea waxaan rajaynayaa in ay sii wadan doonto guulaha oo ay garaaci doonto Porto.”

Graeme Souness waxa kale oo uu saadaaliyey in inkasta oo Robert Lewandowski uu ka maqan yahay, haddana Bayern Munich ay soo dhaafi doonto PSG.

Ugu dambayntii, waxa uu hanashada Champions League u saadaaliyey kooxaha Ingiriiska, isagoo yidhi: “Waxa aan u malaynayaa in ay xilli ciyaareedkan koobka ku guuleysan doonto koox Premier League ah.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More