SAADAAL: Afarta Kooxood Ee U Gudbaya Semi-finalka,

Duhurnimadii Jimcaha ayaa si rasmi ah loo shaaciyey isku-aadka wareegyada siddeedda iyo laba-dhamaadka ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, waxaana marxaladda hore kasoo baxay afar ciyaarood oo ay daawadeyaashu si weyn ugu dheg taagayaan inay arkaan natiijooyinkooda. Lugta hore ee wareegga siddeedda ayaa la ciyaari doonaa April 6-7, halka kulamada labaadna la dheeli doono usbuuca xiga.

Su’aalaha maskaxdaada kusoo dhacaya ayaa ah sida ay kala yeeli doonaan Manchester City iyo Borussia Dortmund oo uu hoggaaminayo mishiinka goolasha ee Erling Haaland iyo Bayern Munich oo uu hormood u yahay Robert Lewandowski & Paris Saint-Germayn oo uu horkacayo Kylian Mbappe? Miyey Real Madrid ama Liverpool sii wadan doonaan mucjisooyinkoodii fagaareyaasha Yurub illaa finalka, midkoodee ayaa se diciif ah doorkan? Thomas Tuchel iyo Chelsea waxa kaliya oo laga dhaliyey laba gool tan iyo dhamaadka bishii January markii uu tababarahani qabsaday, miyey se bandhiggoodan iyo difaacoodan cajiibka ah sii wadan doonaan illaa finalka Champions League?

Jawaabaha su’aalahan ayaa bino loogu dhigay saadaal lagu sameeyey wareegga siddeedda ee tartanka Champions League, iyadoo la magacaabay afarta kooxood ee iskugu soo hadhaya tartanka iyo sida ay u wada ciyaari doonaan oo iyadana lasii raacinayo.

Manchester City vs. Borussia Dortmund

Lugta hore: April 6

Lugta labaad: April 14

Porto vs. Chelsea

Lugta hore: April 7

Lugta labaad: April 13

Bayern Munich vs. Paris Saint-Germain

Lugta hore: April 7

Lugta labaad: April 13

Real Madrid vs. Liverpool

Lugta hore: April 6

Lugta labaad: April 14.

Saadaasha Kooxaha Soo Gudbaya:

Wargeyska Bleacher Report ayaa saadaal ka bixiyey isku-aadka wareegga siddeedda ee tartanka Champions League iyadoo uu ka duulayo su’aalaha aynu sare kusoo xusnay, waxaana saadaashani ay sii niyad-jabisay kooxo waaweyn oo ay taageereyaashoodu rajaynayaan in ay koobka qaataan.

Manchester City ayaa durduro kusoo jiidhi doonta Borussia Dortmund, iyadoo xakamayn doonta weerarka halista ah ee da’yarta u badan ee kooxda reer Germany.

Saadaashu waxa kale oo ay muujinaysaa in Kylian Mbappe iyo Neymar aanay awoodi doonin in kooxdooda PSG ay u rumeeyaan hammiga ah in ay koobka Champions League u qaadaan, sidaas darteedna waxay ku hadhi doonaan wareegga siddeedda iyadoo ay soo gudbi doonto Bayern Munich oo koobka difaacanaysa.

Liverpool ayaa niyad-jab ku dhamaysan doonta xilli ciyaareedkan iyadoo hore quus uga joogtay tartamada maxalliga Ingiriiska, waxaana Champions League kasoo cidhib-tiri doonta Real Madrid oo ahayd kooxdii koobka ka qaadday sannadkii 2018kii.

Chelsea ayaanay dhibaato badan ku noqon doonin in ay timaaddo semi-finalka, waxaanay soo jiidhi doontaa FC Porto.

Saadaasha afarta kooxood ee soo gudbaya

Manchester City

Bayern Munich

Real Madrid

Chelsea

Sida ay u wada ciyaari doonaan wareegga semi-finalka

Manchester City vs Bayern Munich

Real Madrid vs Chelsea.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More