“Ronaldo Halyeey Ayuu Ka Yahay Kooxdan, Isaga

Da’yarka garabka weerar ee kooxda Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa muujiyay jacaylka uu u qabo xiddigii hore ee kooxdiisa haatana hoggaamiyaha u ah safka weerarka Juventus ee Cristiano Ronaldo.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay Juventus qaab xanuun badan uga hadhay tartanka Champions League ee ay sida weyn ugu hammiyaysay kaddib markii ay sharciga goolasha kaga adkaatay kooxda FC Porto.

Guuldarradaas ayaa sababta eedaymo badan oo loo soo jeediyay Cristiano Ronaldo iyadoo loo arkay midka masuulka ka ahaa fashilkii kooxdiisa kaddib markiiuu u muuqday mid aan masuuliyad badan iska saarin laadkii xorta ahaa ee rajada kooxdiisa dilay ee laga dhaliyay.

Ronaldo ayaa tan iyo wakhtigaas lala xidhiidhinayay heshiis uu kaga tagayo Juve waxaana la magacaabay kooxihiisii hore ee Real Madrid iyo Manchester United iyadoo waliba Real lagu sifeeyay kooxda uu qudhiisu rabo ku laabashadeeda.

Vinicius oo Los Blancos yimid sanadkii 2018 kaddib bixitaankii Ronaldo ayaa ka hadlay wararka xanta ah ee suuqa ku jira waxaana uu sheegay in CR7 halyeey ka yahay Madrid isla markaana lasoo dhawaynayo markasta.

Vini Jr oo la hadlayay il-wareedka TNT Sports ayaa yidhi “Cristiano halyeey ayuu ka yahay kooxdan, wax badan ayuu isagu ku guuleystay”

“Anigu waxbadan ma odhan karo sababtoo ah ma garanayo waxa dhacaya, laakiin isaga markasta waa lasoo dhawayn doonaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More