Roberto Carlos Oo Ku Maadsaday Liverpool: “Mohamed

Real Madrid iyo Liverpool ayaa wada ciyaari doona wareegga siddeedda ee tartanka Champions League oo ay isku beegmeen wareeggii maanta la sameeyey, waxaana kulankani uu soo nooleeyey cadaawaddii xilli ciyaareedkii 2017/18 ee finalkii koobkan oo Sergio Ramos uu gacanta ka jabiyey Mohamed Salah.

Halyeygii hore ee Real Madrid ee Roberto Carlos ayaa ka maadsaday Mohamed Salah ka hor kulankan, waxaana uu sheegay in laacibka reer Masar aanu xataa u dhowaan karin halka uu joogo difaaca reer Spain ee Sergio Ramos ee hore gacanta uga jabiyey.

Qaybta hore ee finalkii 2017/18 ayuu Mohamed Salah oo ooyaya garoonka ka baxay isagoo garabka midig ka jabay, waxaanay taasi ka galaafatay Koobkii Adduunka 2018 oo uu u diyaar-garoobi kari waayey.

Kaddib dhaawacan, waxa colaadi ka dhex abuurantay Sergio Ramos iyo Merseyside oo si weyn loogu jarjaray baraha bulshada, iyadoo dad  badanna aflagaaddooyin muddo socday hawada u marinayeen.

Markii uu isku aadkii maantu soo baxay, halyeygii difaaca bidix ee xulka qaranka Brazil iyo Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ku maadsaday Salah, waxaanu sheegay in aanu soo istaagi doonin halka uu joogo Ramos oo uu iskaga fogaan doono, si aanu mar kale usoo gaadhin dhaawacii oo kale.

Carlos ayaa yidhi: “Salah xataa uma soo dhowaan doono Ramos. Waxay noqon doontaa dhacdo kale oo in badan laga hadlo.”

Roberto Carlos waxa uu qiray in Liverpool tahay koox wanaagsan, waxaanu yidhi: “Waxa aanu la ciyaaraynaa koox wanaagsan. Kulanka hore waxa uu ka dhacayaa garoonkayaga, qaabka Real Madrid na wuu soo fiicnaanayaa, waana in ay kulanka ku go’aamiyaan hoygooda.

“Arrinta muhiimka ah waa in Zidane uu haysto dhamaan ciyaartoydiisa oo diyaar ah, iyo in kuwa dhaawacan ay sida ugu degdegga badan ee ugu suurtogalsan usoo laabanayaan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More