Real Madrid Oo Go’aan Deg-Deg Ah Ku Qasbaysa Arsenal, Man

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay maanta oo Isniin ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka Argentina ee Paulo Dybala oo 27 sano jir ah ayaa loo bandhigay lixda kooxood ee waaweyn ee Premier League ee Man United, Man City, Arsenal, Liverpool, Tottenham iyo Chelsea. (90 Min)

Manchester United ayaa qiimaynaysa xaalada daafaca midig ee Atletico Madrid ee Keiran Trippier xilli Ole Gunnar Solskjaer uu doonayo inuu tartan geliyo Aaron Wan-Bissaka. (Telegraph)

Khadka dhexe ee Arsenal ee Mesut Ozil ayaa aaminsan inuu dalab ka heli doono koox kale oo weyn balse aan doonayn inuu Arsenal ka tago kahor suuqa xagaaga. (Mirror)

Manchester United ayaa ah kooxda hoggaanka u haysa saxeexa da’yarka ree Argentina ee Thiago Almada oo ka tirsan kooxda Velez Sarsfield. (Todo Fichajes, via Team Talk)

Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa shaaca ka qaaday inuu sugayo inay kooxdu talaabada koowaad ka samayso arrimaha heshiiskiisa la xidhiidha. (Mirror)

Arsenal ayaa ku qasbanaankarta inay suuqa January dalab ka gudbiso oo aysan xagaaga la sugin saxeexa Dominik Szoboszlai kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Real Madrid ay dalab u dirayso kooxdiisa RB Salzburg. (Express)

Shikradda gacan-saarka maalgelineed la leh Manchester United ee Chevrolet ayaa aaminsan inay ganacsigooda u fiicantahay inay Man United ka caawiyaan dhaqaale ahaan lacagta ay dib ugula soo saxeexan karto weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo. (Auto Esporte, via Sun)

Paris St-Germain agaasimaheeda ciyaaraha ee Leonardo ayaa hoos u dhigay suurogalnimada ay kooxdu kula soo saxeexanayso 33 sano jirka Barcelona ee Lionel Messi haddii uu sanadka dambe ka tago Camp Nou. (Mail)

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More