Tobbanka Kooxood Ee Abid Ugu Guulaha Badan Premier League,

Kooxda ree London ee Chelsea ayaa kor usoo kacday marka la eegayo dhinaca miisk kala sarreynta kooxaha ugu guulaha badan abid taariikhda horyaalka Premier League intii uu magacaasi soo jiray.

Goolal ka kala yimid Olivier Giroud, Kurt Zouma iyo Christian Pulisic ayaa ka caawiyay kooxda uu tababaraha u yahay Frank Lampard inay guul soo laabasho ah ka gaadho Leeds United Sabtidii.

Guushaas ayaa ka dhigan inay Chelsea noqotay kooxda labaad ee ugu guulaha badan abid Premier League iyo kooxda koowaad ee ugu guulaha badan London maadaama oo ay ka sarre mareen Arsenal oo hore booskaas u joogtay.

Guushii Leeds ee habeen hore ayaa ahayd midii 584-aad ee Premier League ee ay soo gaadhay Chelsea waxaana ay ka sarre mareen Arsenal oo leh 583 kaddib markii ay guuldarro xalay kala kulmeen Tottenham.

Caadiyan kooxda Mikel Arteta ayaa xilli ciyareedkan 2020-21 ku bilaabatay iyadoo hal guul dheer mida Lampard, labada kooxood ayaa labaduba farqi aad u weyn ka dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Manchester United oo iyadu fogaatay.

Red Devils ayaa 88 guulood dheer kooxda ugu soo dhaw oo Chelsea ah, guushii soo laabashada ahayd ee ay ka gaadheen West Ham United ayaa ka dhigan inay 672 guulood oo PL ah haystaan.

Liverpool ayaa booska afraad joogta, Tottenham ayaa shanta sarre dhammaystiraysa halka Manchester City ay kaalinta 6-aad kusoo baxday.

Liiska 10-ka Kooxood Ee Ugu Guulaha Badan Abid Premier League

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More