Real Madrid & Chelsea Oo Ku Dagaallamaya Xiddig Weyn, PSG Oo Laba

Liverpool ayaa wada-hadallo la bilowday Borussia Monchengladbach oo ay ka doonayso saxeexa laacibka khadka dhexe ee reer  Germany ee Florian Neuhaus oo 24 jir ah. (Sport 1)

Tababarihii hore ee Roma ee Paulo Fonseca ayaa heshiis shaqsi ah oo laba sannadood ah la gaadhay Tottenham. (Telegraph)

Arsenal waxay isku diyaarinaysaa inay u dhaqaaqdo difaaca xulka qaranka England iyo kooxda Brighton ee Ben White oo 23 jir ah. (Athletic)

Gunners waxa kale oo ay doonaysaa kubbad-sameeyaha Talyaaniga ah ee Manuel Locatelli oo ka tirsan Sassuolo. (Sky Sports)

Xiddiga reer England ee Jadon Sacnho oo 21 jir ah ayaa noqon doonta ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan Manchester United, waxaanu ku xigayaa David de Gea, haddii Red Devils ay dhamaystirto saxeexiisa. (Mail)

Sevilla ayaa u bandhigtay difaaca Real Madrid ee Sergio Ramos shan sannadood oo heshiis ah. 35 jirkan ayuu qandaraaskiisa Real Madrid ku egyahay xagaagan. (esRadio)

Chelsea waxay xiisaynaysaa laacibka khadka dhexe uga ciyaara Atletico Madrid ee Saul Niguez oo 26 jir ah, laakiin Manchester United iyo Juventus ayaa kaga horreeya saxeexa laacibka reer Spain. (Mundo Deportivo)

Weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo 32 jir ah, ayaa doonaya inuu ka tago Bayern Munich, waxaanu u dhexeeyaa Real Madrid iyo Chelsea. (AS)

Everton waxay ka fiirsanaysaa inay dib ula soo saxeexato weeraryahanka reer Croatia ee Vikola Vlasic oo 23 jir ah, una ciyaara CSKA Moscow oo ay iibisay laba sannadood ka hor. (Star)

Difaaca Ivory Coast iyo Tottenham ee Serge Auier oo 28 jir ah, ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay PSG. (Football Insider)

Difaaca bidix ee reer England ee Danny Rose oo 30 jir ah, ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Watford, kaddib markii uu si xor ah uga tegay Tottenham. (Watford Observer)

Goolhayaha xulka qaranka Talyaaniga ee Gianluigi Donnarumma oo 22 jir ah ayaa toddobaadkan heshiis u saxeexi doona PSG isagoo si bilaash ah ugaga soo wareegaya AC Milan, kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisu.

Weeraryahanka reer England ee Jude Bellingham ayaa heshiiska uu kula jiro Borussia Dortmund uu dib u cusboonaan doonaa, sidii uu dhigayay qandaraaskiisa hore, waxaanu sii joogi doonaa ilaa 2025. Qodobkan ayaa hirgelaya marka bishan gudaheeda ay da’diisu noqoto 18 jir. (Bild)

Arsenal waxay wada-hadallo la bilowday laacibkeeda difaaca bidix ee Kieran Tierney oo 24 jir ah, si uu heshiiskiisa u kordhiyo. (Football.London)

Barcelona ayaa xidhiidh la samaysay tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low horraantii sannadka ka hor intii aanay go’aansanin in Ronald Koeman uu sii joogo shaqada. (Bild)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More