RASMI: Thomas Tuchel Oo Shaaciyey Xiddigaha Chelsea Ee Kulanka FC

Tababare Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay dib u heshay saddex ka mid ah ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa, kuwaas oo taam u noqday kulanka Arbacada ay martida ugu yihiin FC Porto oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League foodda isku darayaan.

Xiddigaha khadka dhexe ee N’Golo Kante iyo Christian Pulisic ayaa kooxda kusoo noqday, sidoo kalena waxa jooga Tammy Abraham oo ciyaartii ugu dambaysay ee horyaalka ee bahdilaaddu ku dhacday aan la joogin kooxdiisa, isla markaana ku maqnaa go’aan uu tababarihiisu gaadhay.

N’Golo Kante iyo Christian Pulisic ayaa shaki la gelinayay doorkooda ciyaarta FC Porto ee lugta hore ee Champions League, laakiin tababare Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyey in ay taam yihiin.

Tuchel ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kooxdiisa ee kulanka Porto, waxaana 23ka laacib ka dhex muuqda  saddexda ciyaartoy ee sare ku xusan.

Tababaraha oo hadlay ayaa yidhi: “Si buuxda ayay taam ugu yihiin ciyaartan, waxaanay ku jirayaan kooxda.”

Blues oo kulankeedan loo arko in uu yahay mid naxariis ay ku heleen nasiibkooda oo ay ka badbaadeen kooxihii waaweynaa, ayaa haddana ay sugaysaa shaqo adag, sababtoo ah, waxay kooxda reer Portugal waddo soo marisay Juventus oo ay tartanka ka reebtay.

Xiddigaha Chelsea ee kulanka FC Porto

Kepa Arrizabalaga, Toni Rudiger, Marcos Alonso, Andreas Christensen, Jorginho, Thiago Silva, N’Golo Kante, Tammy Abraham, Christian Pulisic, Timo Werner, Willy Caballero, Kurt Zouma, Edouard Mendy, Mateo Kovacic, Olivier Giroud, Mason Mount, Callum Hudson-Odoi, Ben Chilwell, Hakim Ziyech, Reece James, Cesar Azpilicueta, Kai Havertz, Emerson Palmieri.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More