ARGAGAX: Bayern Munich Oo Mushkilad Dhexda Kaga Jirta & Dhaawacii

Bayern Munich ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee ciyaartoy ku weyda fayraska Korona oo toddobaadkan saamayn badan ku yeeshay ciyaaraha Yurub.

Kooxda reer Germany ayuu hore dhaawac ugaga maqnaa weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo aan ciyaaraynin kulanka habeen dambe ay ku martigelinayaan Paris Saint-Germain lugta hore ee wareegga siddeedda tartanka Champions League, laakiin waxa kale oo tababare Hansi Flick uu helay war kale oo argagax leh oo u sheegaya in aanu ciyaartan haysan doonin xiddig kale oo muhiim ah.

Baadhitaanka fayraska korona ee la sameeyey ka hor ciyaartan, ayaa waxa uu muujiyey in weerarka garabka ee Serge Gnabry  uu qabo xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu ka maqnaa tababarkii maanta ee kooxdiisa.

Serge Gnabry ayay u tahay markii ugu horreysay ee uu fayraskani ku dhaco, laakiin wuxuu ugu soo beegmay waqti xaasaasi ah oo ay kooxdiisu u baahnayd.

War-saxaafadeed ay Bayern Munich soo saartay ayay ku tidhi: “Serge Gnabry waxa laga helay Korona Fayras. Wuxuu dareemayaa fiicnaan, gurigiisa ayaanu karantiil ku yahay.”

Serge Gnabry maaha ciyaartoyga kaliya ee kulankan kaga maqnaanaya Fayraska Korona, waxaana hore kooxda martida ah ee PSG ay u xaqiijisay in Alessandro Florenzi iyo Marco Verratti uu xanuunku ku dhacay oo ay maqan yihiin.

Bayern Munich ayaa waqtigan aan ka maarmi karin Serge Gnabry, gaar ahaan labada ciyaarood ee PSG oo uu sidoo kale ka maqnaanayo Robert Lewandowski oo dhaawac ah.

Afka hore ee weerarka ee booska Lewandowski ayaa waxa buuxin doona Thomas Muller, halka garbaha weerarkana ay joogaan Leroy Sane iyo ciyaartooyo kale oo uu tababare Flick u kala xulan doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More