RASMI: Mohamed Salah Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta PFA Ee

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa  ku guuleystay abaal-marinta xiddiga Ingiriiska ee PFA ee ay taageereyaashu u codeeyaan.

Mohamed Salah ayay jamaahiirtu u doorteen in uu ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkii 2020/21, kaddib markii uu dhaliyey 22 gool oo horyaalka ah, shan kale oo caawin ahna uu raaciyey.

Inkasta oo aanu midkoodna helin abaal-marinaha xiddiga sannadka ee PFA iyo FWA, haddana jamaahiirta ayaa u xushay Salah inuu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan.

28 jirkan ayaa waqti hore dhaliyey goolashiisa, waxaana intii dambe ku timid abaar goolal la’aan ah, iyadoo kooxdiisuna guul-darrooyin usoo hoyanayeen, illaa kulamadii dhamaadka ay sare usoo kaceen oo lix ciyaarood oo xidhiidh ah ay guulo gaadheen, taas oo keentay inay soo galaan kaalinta saddexaad.

Mohamed Salah ayaa saftay 50 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah xilli ciyaareedka tegay, waxaana uu dhaliyey 31 gool iyo lix caawimood oo tartamada oo dhan ah.

Laacibkan oo sannadkii 2017 ay Liverpool kala soo wareegtay AS Roma ayaa laba jeer ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee Premier League iyo hal mar oo xiddiga sannadka ee Ingiriiska uu noqday.

Kooxdiisa ayaa uu ka caawiyey inay hantaan Champions League iyo Premier League, laakiin xilli ciyaareedka tegay ayay kooxdiisu difaacan kari weyday horyaalkii ay sannadkii hore ku guuleysatay, waxaana sababta ugu badan ee loo aanaynayo ay tahay dhaawacyadii tirada badnaa ee bannaanka dhigay xiddigaha ugu muhiimsan naadigan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More