QIIMAYN: Ronaldo, De Bruyne, Modric, Mbappe: Waa Kuma Ciyaaryahanadda Ugu

16 ka mid ah 24ka dal ee ka qayb-gelaya Euro ayaa usoo gudbay wareegga isreeb-reebka tooska ah ee dalka laga badiyo uu tartanka ka baxayo, iyadoo ciyaarta ugu dambaysa ee Finalka na lagu ciyari doono garoonka Wembley fiidnimada Axadda ee July 11.

Ciyaaryahanadda ay dalalkoodu ka hadheen tartanka sida Robert Lewandowski ayaan ku jiri doonin ciyaaryahannada la filayo inay ku tartami karaan xiddignimada tartanka, waxaana hubaal ah in laacibiinta loollami doona ay noqonayaan kuwa xulalkoodu meel fiican yimaaddaan ama ku guuleysta tartanka.

Laba saadaalood iyo qiimayn iskugu jira ayaa is-garab socday ilaa bilowgii tartanka ee June 11, waxaanay ta hore tahay waddanka ugu awoodda badan ee ay suurtogal tahay inuu ku guuleysto tartanka iyadoo dhawr waddan ay safka hore soo wada gelayeen. Midda kale ayaa waxay ahayd ciyaartoyga ku guuleysanaya xiddiga tartanka, halka gool-dhaliyaha iyo kubbad sameeyaha ugu wanaagsannaa ay ku jiraan.

Cristiano Ronaldo iyo Romelu Lukaku oo ku tartamaya kabta dahabka ah, sidoo kalena xiddiga tartanka fursad fiican u haysta ayaa uu midkood ku hadhi doonaa wareegga 16ka oo ay qaramadoodu isku beegmeen, taasina waxay wiiqi doontaa fursadda ciyaartoyga hadhaa uu u helayo xiddiga tartanka iyo kabta dahabka ah intaba.

Shabakadda Betfair ayaa soo saartay qiimayntii u dambeysay oo muujinaysa ciyaartoyda ugu cadcad ee ku guuleysan karta xiddignimada tartanka, waana ciyaaryahannada dalalkoodu usoo gudbeen wareegga 16ka.

Kevin de Bruyne ayaa hoggaaminaya oo ugu cadcad ciyaartoyda ku guuleysanaysa xiddiga tartanka, waxaana kaalinta labaad ku jira Kylian Mbappe, halka Cristiano Ronaldo uu saddexaad soo galay.

Halkan kaga bogo qiimaynta ciyaartoyda ugu cadcad xiddignimada Euro 2020:

20 – Lorenzo Insigne (48.0)

19 – Joshua Kimmich (48.0)

18 – Jack Grealish (44.0)

17 – Kai Havertz (44.0)

16 – Raheem Sterling (42.0)

15 – Nicolo Barella (36.0)

14 – Memphis Depay (34.0)

13 – Frenkie de Jong (34.0)

12 – Manuel Locatelli (28.0)

11 – Simon Kjaer (22.0)

10 – Christian Eriksen (22.0)

9 – Georginio Wijnaldum (22.0)

8 – Ciro Immobile (21.0)

7 – Antoine Griezmann (19.5)

6 – Paul Pogba (15.5)

5 – Romelu Lukaku (13.0)

4 – N’golo Kante (11.5)

3 – Cristiano Ronaldo (10.0)

2 – Kylian Mbappe (8.4)

1 – Kevin De Bruyne (8.2)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More