Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Xiddigii SHANAAD Ee Liverpool Oo Korona Fayras Ku Dhacay
Musiibada xanuunka Korona Fayraska ee Liverpool ayaa halkeeda kasii socota, waxaana uu xanuunku ka dhacay xiddigii shanaad ee safka tababare Jurgen Klopp ka tirsan.
Naby Keita ayaa noqday ciyaartoygii shanaad ee Liverpool ah ee uu xanuunkani ku dhacay, waxaana warar laga helay waddanak Guinea ay shaaciyeen in laacibkan lagu arkay calaamadaha xanuunka, sidaas darteedna uu uga maqnaa kulankii waddankiisu uu 2-1 kaga adkaaday Cape Verde ee ka dhacay waddanka Portugal, taas oo uu fadhiyey kursiga kaydka.
Liverpool ayaan…
Manchester United Iyo Liverpool Oo Dejiyey Qorshe Kooxaha
Manchester United iyo Liverpool ayaa hoggaaminaya ololaha qorshe weyn oo isbeddel loogu samaynayo kubadda cagta Inigiriiska, kaas oo saamayn ku yeelanaya horyaalka Premier League.Shirkadda iska leh Liverpool ee Fenway Sports Group (FSG) ayaa diyaarinsay dukumenti qurux badan oo loogu magac daray ‘dibu-cusboonaysiin’ oo loogu ololaynayo in isbeddelkii ugu weynaa lagu sameeyo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, tan iyo sannadkii 1992kii oo ahayd waqtigii uu magacan qaatay.Sida uu qoray wargeyska Telegraph ee…
Ashley Young Oo Noqday Xiddigii Ugu Dambeeyey Ee Korona
Ashley Young ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee la xaqiijiyey inuu ku dhacay xanuunka Korona Fayras, waxaana la gelinayaa karantiil uu ku jiri doono illaa inta uu dhaafayo heerka gudbinta xanuunka.Inter Milan ayaa shaacisay in baadhitaan lagu sameeyey laacibkan lagaga helay xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu garoomada ka maqnaan doono muddo toban maalmood ka badan oo aanu qayb ka noqon doonin kooxda.Warkan ayaa soo baxay xilli ay ciyaartoyda aan looga yeedhin xulalkooda ay isku diyaarinayaan kulanka adag ee…
Marcus Rashford Oo Kabo Khaas Ah Xidhan Doona Kulanka
Da’yarka kooxda Manchester United ayaa caawa kulanka uu xulkiisa qaranka England la yeelanayo dhigiisa Belgium xidhan doona kabo khaas ah oo uu ku xardhanaan doono qoraal lagu dhiirigelinayo kaddib caawin halyeeynimo oo uu dalkiisa ka sameeyay.Xiddiga Manchester ayaa Jimcihii la siiyay abaalmarinta MBE ee khaaska ah ee ay bixiso boqorada England iyadoo laga abaalmarinayo dedaalkiisii caruurta yar yar ee dalkaas ee uu ugu gar-gaaray in cuno bilaash ah la siiyo xilli dawladu ay ka jaraysay.Rashford ayaa xidhan doona kabo ay ku…
Bruno Fernandes Oo Runta U Sheegay Solskjaer, Wixii Uu Ku
Waxa warar cusubi kasoo baxayaan wixii ka dhacay qolka labiska kooxda Manchester United wakhtigii nasashada ee kulankii ay dhawaan bahdilaada kala kulmeen kooxda Tottenham iyo waliba sababtii loo bedelay xilligaas Bruno Fernandes.Fernandes ayaa daqiiqadii 2-aad ee kulanka hoggaanka u dhiibay kooxdiisa balse kooxda martida loo ahaa ayaa afar gool qaabishay kahor wakhtigii nasashada iyadoo Anthony Martial daqiiqadii 28-aad casaan loo taagay.26 sano jirka ree Portugal oo caan ku ah dareenkiisa hoggaamiyenimo ayaan ka gaban inuu…
Xiddigii LABAAD Ee Chelsea Ka Tirsan Oo Xanuunsanaya,
Timo Werner ayaa toddobaadkan horraantiisii laga saaray xulka qaranka Germany kaddib markii looga shakiyey inuu ku dhacay xanuunka Korona Fayras oo lagu arkay calaamadihiisii oo kale, waxaana la geliyey karantiil, sida uu xaqiijiyey tababaraha xulka qaranka Germany ee Low.Chelsea oo ka walaacsan warkan xiddigeedaas ayaa waxa haddana usoo yeedhay in laacibkeeda isaguna saxeexa cusub ah ee Ben Chilwell uu baadhitaan caafimaad ku jiro oo laga hubinayo xanuunkan.Ben Chilwell ayaa la sheegay inuu xanuunsanayo oo laga dhex saaray…
Barcelona Oo Heshiis Lasii Gaartey Xiddiga Ugu Horreeya Ee
Barcelona ayaa heshiis hordhac ah lasii gaadhay xiddiga ugu horreeya ee Camp Nou iman doona marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, kaas oo noqon doona laacib ay hore ugu soo guul-darraysteen inay soo xero-galiyaan suuqii dhowaanta xidhmay.Barcelona ayaa ku fashilantay inay lasoo saxeexato dhawr weeraryahan oo ay isku dayday oo ay ka mid ahaayeen Lautaro Martinez iyo Memphis Depay, kuwaas oo tababare Ronald Koeman uu u doonayay inuu ku beddelo booskii uu banneeyey Luis Suarez oo Atletico Madrid u wareegay…
Romelu Lukaku Oo Daboolka Ka Qaaday Magacyada LABA Ciyaartoy
Weeraryahanka Inter Milan ee Romelu Lukaku ayaa daboolka ka qaaday magacyada labadii ciyaartoy ee sababta u ahaa inuu iskaga tago Manchester United, isla markaana sida xun ula dhaqmay intii uu joogay kooxdaas.Lukaku waxa kale oo uu magacaabay laba ciyaartoy oo kale oo iyagana uu isagu kula taliyey inay iskaga tagaan Manchester United kaddib dhibaatooyinkii uu isagu lasoo kulmay, kuwaas oo ugu dambayntii ay ku midoobeen Inter Milan.Xiddiga reer Belgium ayaa ku eedeeyey Paul Pogba iyo Anthony Martial inay isbahaysi ka wadaan…
Solskjaer Iyo Guardiola Oo Shaqada Laga Caydhinayo, United
Mauricio Pochettino ayaa laga doonayaa labada garoon ee ku yaalla magaalada Manchester ee Old Trafford ee Etihad Stadium.Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay Mauricio Pochettino toddobaadkii hore markii ay Tottenham sida xun ugu bahdishay Old Traffrord, sidoo kalen aay dhibaato ka muteen Brighton oo waqtigii dheeraadka ahaa uu VAR siiyey goolka guusha, halka Crystal Palace ay iyaduna karbaash ku dhufatay.Saddexda ciyaarood ee labana laga badiyey, midna ay guusha dirqiga ah heleen, waxaanay natiijooyinkaasi soo…
Thiago Alcantara Oo Ka Hadlay Korona Fayraskii Ku Dhacay –
Laacibka khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa kasoo baxay xaaladdii karantiilka ahayd ee ugu jiray xanuunka Korona Fayras oo bishii hore ku dhacay.Thiago Alcantara ayaa la geliyey is-go’doomin shaqsi ah markii ay kooxdiisu shaacisay inuu ku dhacay xanuunka halista ah ee dunida ku faafaya markii ay taariikhdu ahayd September 29, xilligaas oo ahayd kulan kaliya markii uu u ciyaaray kooxdiisa.Kubbad-sameeyahan ayaa waxa kale oo ka dambeeyey oo xanuunku ku dhacay Xhaqiri iyo Sadio Mane, taas oo ay ugu sii…