Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

“Cadaadis Ayaa Jira, Waxa Aan Dareemayaa Qulqulka Dhiigga Ee Xididdada

Juventus ayaa  berri u halgami doonta  in ay hesho guul iyadoo rajaynaysa in laga badiyo qaar  ka mid ah kooxaha ka horreeya, si ay ugu soo dallici karto kaalmaha sare oo ay Champions League uga soo muuqan karto.Bianconeri ayaa waxay min hal dhibic ka dambaysaa Napoli iyo AC Milan, laakiin Milan ayaa ay sugaysaa ciyaar adag iyadoo la ballansan Atalanta oo iyadu xaqiijisatay booskeeda Champions League.Andrea Pirlo oo warbaahinta la hadlayay ka hor kulanka berri ayaa waxa uu wariyeyaasha u sheegay go’aanka mustaqbalkiisa,…

RIKOODH: Robert Lewandowski Oo Taariikh Cusub Oo Aan Abid La Arag Ka

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa taariikh cusub oo aan hore u dhicin ka sameeyey horyaalka waddanka Talyaaniga ee Bundelisga, kaddib markii uu maanta  xilli ciyaareedka kusoo xidhay gool uu waqti dambe dhaliyey, kaas oo ahaa goolkiisii 41aad ee uu xilli ciyaareedkan dhaliso.Robert Lewandowski ayaa dhaafay rikoodhkii qarniga jiray ee gool-dhalinta horyaalka Bundesliga oo uu laacibkani barbarreeyey toddobaadkii hore, ugu dambayntiina uu maanta daadka raaciyey.Weeraryahanka reer Poland ayaa dhaliyey 41…

CHAMPIONS!!! Bayern Munich Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Bundesliga Iyo

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga markii sagaalaad oo xidhiidh ah, waxaanay kulankii ugu dambeeyey maanta kusii xasuuqday Augsburg, iyadoo uu rikoodh cajiib ah dhigay Robert Lewandowski oo dhaliyey goolkiisii 41aad ee horyaalka ee xilli ciyaareedkan dhamaaday.Bayern Munich ayaa guusheeda horyaalka waxay xaqiiqsatay horraantii bishan May, waxaanay kulamadii ugu dambeeyey oo dhan dheelaysay iyadoo kaliya sugaysa inta la gaadhayo kulanka ugu dambeeya ee lagu…

Pep Guardiola Oo Shaaciyay Shaqada Uu Qaban Doono Marka Uu 72 Jir

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu noqdo tababare xul marka uu gaaro 72 sanno jir, isagoo isku diyaarinaya inuu tababare u noqdo xulka Talyaaniga, wuxuuna durbaba sii shaaciyay shaqsiga uu caawiye ka dhigan doono.Guardiola oo qeyb ka mid ah waayihiisa ciyaareed ku soo qaatay horyaalka Serie A ayaa sheegay inuu ku laaban doono Italy marka uu gaaro 72 sanno jir.Wuxuuna indhaha ku hayaa weeraryahanka halyeeyga Talyaaniga Roberto Baggio inuu markaas ka dhigto caawiye iyagoo u soo wada dheelay kooxda Brescia.Tababaraha Manchester…

Shaxaha Rasmiga ah Ee Real Madrid vs Villarreal, Atletico vs

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa maanta lagu soo xidhayaa kulamo ay kooxuhu isku xidhan yihiin oo ay midba rajaynayso in midda kale laga badiyo si ay horyaalka ugu guuleysan karaan amaba ay uga badbaadi karaan in ay heerka labaad u dhacaan.Tababare Diego Simeone ayaa shaxdii ugu adkayd kusoo galay garoonka iyadoo haddii ay kooxdiisu badiso ay noqonayso horyaalka xilli ciyaareedkan, ayna ku guuleysanayso koobkeedii ugu horreeyey ee LaLiga ah tan iyo 2014.Yannick Carrasco, Angel Correa iyo Luis Suarez ayaa afka hore ee…

Waa Kuwan Labada Kooxood Ee Kaliya Ee Uu Marcus Rashford Sheegay Inuu

Da’yarka garabka weerar ee kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa diiday inuu meesha ka saaro fursada uu mustaqbalka kaga ciyaari karo horyaalada kale ee aan Premier League ka ahayn.Rashford oo tan iyo carruurnimadiisii ahaa taageere Man United ah ayaa sheegay in kooxaha ree Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ay yihiin labada kooxood ee uu mustaqbalka uga wareegi karo.Rashford ayaa xilli ciyaareedkan 21 gool kasoo dhaliyay tartamada oo dhan si uu uga caawiyo United inay booska labaad kaga dhammaysato horyaalka…

MUHIIM: Go’aanka Kama Dambaysta Ah Ee Uu Lionel Messi Ka Gaarey

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan iyo qorshe ka leeyahay mustaqbalka kooxdiisa xilli heshiiska uu hore ugu joogay Camp Nou uu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.Messi ayaa ugu dhawaaday badhtamaha 2020 inuu ka tago Barcelona oo ah kooxda uu kusoo qaatay xirfadiisa oo dhan kaddib markii ay kooxdu sanadkii hore ku dhammaysatay koobab la’aan.Leo ayaa warqada codsiga bixitaankiisa miiska u saaray Barcelona balse madaxweynihii wakhtihgaas ee Josep Maria Bartomeu oo ay dad…

“Man City Kumay Guuleysateen Horyaalka Haddii….” – Jurgen Klopp Oo

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in kooxda ay horyaalka Premier League ku xifaaltamaan ee Manchester City aysan horyaalka hanateen haddii ay qabto dhaawacyo lamid ah kuwa kooxdiisa dishooday xilli ciyaareedkan.City ayaa ku guuleysatay horyaalka markeedii saddexaad afar sano gudaheed iyadoo ay dhaawacyo badani haleeleen Liverpool isla markaana ay Man United awood u yeelan weyday inay si dhab ah ula tartanto.Liverpool ayaa ahayd kooxda ugu saraysay horyaalka wakhtigii ciida gaalada “Christmas” balse ugu…

Sir Alex Ferguson Oo Sheegay Go’aanka Kaliya Ee Lionel Messi La

Tababaraha halyeeyga ah ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa sheegay hal qoomamo oo uu wali ka qabo mudadii 27-ka sano ahayd ee uu macalinka kooxdaas usoo ahaa.Barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo uu ka qaaday xiddigiisii hore ee Gary Neville ayuu ku sheegay Ferguson inuu wali ka qoomamoodo go’aan uu qaatay Final-kii UEFA Champions League ee sanadkii 2011 markaas oo kooxdiisa ay 3-1 uga adkaatay Barcelona.Ferguson ayaa sheegay inuu ka qoomameeyo in Ji Sung Park uu u adeegsan waayay kulankaas inuu si gaar ah u…

SAADAASHA Sky Sports Ee Maalinta Ugu Dambaysa Premier League & Kooxda

Khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jones Knows ayaa dhiibtay saadaashiisa ugu dambaysa ee xilli ciyaareedkan 2020-21 ee horyaalka Premier League xilli uu aragtidiisa ku kala saaray kooxo dhawr ah oo qoorta iskula jira.Saddexda kooxood ee kaalmaha saddexaad iyo afraad ku kala bixi doona ayaa ah Liverpool, Chelsea iyo Leicester City oo la kala ciyaari doona Crystal Palace, Aston Villa iyo Tottenham sida ay u kala horreeyaan.Aan ku bilawnee Jones Knows ayaa wadnaha jaray taageerayaasha Chelsea isaga oo qaba in kooxdoodu ay tahay…