Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

XARAASH: Manchester City Oo Iibinaysa Sterling & Mahrez, Labada

Raheem Sterling ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda laga dirayo Manchester City xagaagan, iyadoo uu Pep Guardiola dib u habayn ku samaynayo kooxda, si ay horyaalka Premier League iyo Champions League guulo waaweyn uga gaadhi karaan sannadaha soo socda.City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, markii ugu horreysayna timid finalka Champions League oo ay caawa la ciyaarayso Chelsea, waxa ay qorshaynaysaa in ay dib u dhis ballaadhan sameeyaan ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka dambe.Raheem…

Lambarkee Ayuu Ibrahima Konate U Xidhan Doonaa Liverpool?

Ibrahima Konate ayaa noqday saxeexii ugu horreeyey ee Liverpool ee xilli ciyaareedkan, waxaana si rasmi ah uu qalinka  ugu duugay qandaraas uu shanta sannadood ee soo socota ku joogayo Anfield.Liverpool ayaa bixisay £35 milyan oo Gini oo RB Leipzig ay ku xidhay qandaraaska difaacan Muslimka ah ee reer France, iyadoo ugu dambayn uu Jurgen Klopp gacanta ku dhigay mid ka mid ah ciyaartoydii uu muddada dheer ku raad-joogay.Virgil van Dijk, Joel Matip iyo Joe Gomez oo kasoo kabanaya dhaawac xilli ciyaareedkii hore ay ku seegeen,…

Ma I Arkaysaan Dea Gea & Mendy? Ederson Oo Isku Diyaariyey Tuurashada

Goolhayaha Manchester City ee Ederson ayaa isku diyaariyey finalka Champions League oo uu doonayo in uu laagto rikoodheyaasha haddii ay kooxdiisu hesho ciyaarta dhexdeeda amaba kulanku kusoo dhamaado rikoodheyaal.Manchester City iyo Chelsea ayaa tusaale ka  helay finalkii Europa League ee Manchester United iyo Villarreal ee 22ka rikoodhe ay laagteen, isla markaana midkii ugu dambeeyey uu khasaariyey David de Gea, iyadoo 20kii ciyaartoy ee garoonka ku jiray markii ay wada dhaliyeen loo baahday labada goolhaye.Ederson oo…

Akhriso Kalmadihii Ugu Horreeyey Ee Kasoo Yeedhay David Alaba Markii U

David Alaba ma sugi karayo inta ay bilaabmayso noloshiisa ciyaartoynimo ee Real Madrid, kaddib markii uu xalay fiidkii heshiis u saxeexay kooxda reer Spain.Xiddiga reer Austria oo bishii January heshii is-faham ah lasii gaadhay Real Madrid ayaa si ramsi ah u noqday ciyaartoy Real Madrid ka tirsan, waxaana uu Santiago Bernabeu imanayaa iyadoo maalmo ka hor uu ka tegay Zinedine Zidane, isla markaana la filayo in ay ciyaartooyo kale baxaan.28 jirkan ayaa dareenkiisa in uu noqday ciyaartoy Real Madrid ah, waxa uu kusoo bandhigay…

UEFA Oo Isbeddel Ku Samaynaysa Champions League, Goolkii Dibedda Ee

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddel ku samaynaya tartamada Champions League iyo Europa League, waxaana isbeddelkan lagu bilaabi doonaa tartanka cusub ee Europa Conference League ee hadda la samaynayo.UEFA ayaa meesha ka saaraysa sharciga dhibaatada badan kooxaha ku ahaa ee mararka  qaarkood u hiilin jiray naadiyo bandhiggoodu liitay laakiin qaabka kaliya ee ay kusoo bixi jireen ahaa in ay garoonka kooxda kale goolal kusoo dhaliyeen.Sida uu qoray wargeyska The Times, UEFA waxay baabi’inaysaa ama tirtiraysaa…

Hordhac: Man City vs Chelsea, Xogta Kulamadoodii Hore, Wararkii U

Finalka Champions League ayay caawa foodda isku darayaan labada kooxood ee Ingiriiska ah ee Manchester City iyo Chelsea, kuwaas oo magaalada Porto ku kala qaadi doona koobka.Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel ayaa markii saddexaad muddo kooban iska hor-imanaya, waana kulankoodii ugu weynaa iyo koobkii ugu horreeyey ee ay si toos ah ugu dagaallamayaan marka ay magaalada Porto caawa albaabada iskugu xidhaan garoonka Estadio do Dragao.Chelsea ayaa guuleysatay labadii jeer ee ugu dambeeyey ee ay labadan kooxood iska hor yimaaddeen,…

WARKII LA SUGAYAY: Tuchel Oo Shaaciyey Xiddigaha U Laadaya

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa shaaciyey in uu warkii ugu wanaagsanaa abid helay, kaddib markii ay uu xaqiiqsaday in ay kulanka finalka Chamions League ee Sabtida ay si buuxda taam ugu yihiin labada ciyaartoy ee N’Golo Kante iyo Edouard Mendy oo shaki la gelinayay in ay ciyaari karayaan kulankan.Thomas Tuchel ayaa xaqiijiyey in kooxdiisa oo dhamaystiran ay taam wada tahay oo ay kulanka Manchester City uu haysto ciyaartoydiisa oo uu kala dooran doono, isla markaana 25kii xiddig ee ula safray Porto ay diyaar u wada…

“Waa Degdeg, Xoog Iyo Kubbadaha Sare Oo Uu Ku Wanaagsan Yahay, Waan Ka

Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday sababta uu ku doortay in uu lasoo saxeexdo difaaca reer France ee Ibrahima Konate oo shan sannadood oo heshiis ah qalinka ku duugay Jimcihii, kaddib markii ay Liverpool bixisay £36 milyan oo Gini oo RB Leipzig ay ku xidhay qandaraaskiisa.Klopp ayaa sheegay in uu muddo dheer yaqaanay ciyaartoygan, isla markaana uu ku arkay tayooyinkii uu u baahnaa, isagoo qiray in uu xoojin doono safka difaaca ee Liverpool ee ay dhaawacyada muddada dheer kaga maqnaayeen Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel…

James Rodriguez Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Colombia Ee Tartanka Copa

Xulka qaranka Colombia ayaa laga reebay laacibka khadka dhexe ee James Rodriguez oo ka maqnaan doona tartanka qaramada Latin America ee Copa America oo badhtamaha  bisha June bilaabmi doona.Xiddign Everton ayaa toddobaadkii hore gaadhay waddankiisa Colombia, kaddib maalmo kooban oo uu waqti la qaatay qoyskiisa iyo saaxiibbadii, isagoo sidoo kalena samaynayay jimicsiyo jidh-dhis ah oo uu iskugu diyaarinayo tartanka Copa America  iyo ciyaaraha saaxiibtinimo ee ka horreeya.Laakiin shaqaalaha caafimaadka xulka qaranka Colombia…

Xiddig Muhiim Ah Oo Manchester City Kaga Dhaawacmay Tababarka Saacado

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayay jug weyni soo gaadhay ka hor kulanka finalka Champions League ee habeen dambe  ay foodda isku dari doonaan Chelsea, waxaana tababarkii maanta ku dhaawacmay ciyaartoy laf-dhabar ah oo maqnaanshihiisu waxyeello ku yahay Pepp Guardiola.Manchester City ayaa maanta samaysay tababar ay iskugu diyarinayso ciyaarta finalka ee Sabtida, waxaana usoo yeedhay arrin murugo leh oo ah in garoonka tababarka laga saaray laacibka khadka dhexe ee Ilkay Gundogan oo sii wadan kari waayey in uu…