Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Man United Oo Doonaysa N’Golo Kante, Barca Oo Go’aan Ka

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan…

Waa Kuma Xiddiga 29 Jirka Ah Ee Liverpool Ee Jurgen Klopp Ku

Liverpool ayaa caawa marti gelinaysa Arsenal, waxaanay u dagaallami doonaan sidii ay guushii saddexaad ee xili ciyaareedkan u gaadhi lahaayeen isla markaana u difaacan lahaayeen koobka ay xili ciyaareedkii hore ku guuleysteen oo soo afjartay 30 sannadood oo ay abaari ka haysay.Reds waxay xagaagan lasoo saxeexatay saddex ciyaartoy oo tababare Jurgen Klopp uu waqti dambe safkiisa kusoo xoojiyey, kuwaas oo saxeexyadooda lagu dhawaaqay xilli lagu canaanayo in aanay dibu-dhis isku samaynayn.Laakiin markii ay Chelsea ku garaaceen…

Robert Lewandowski Oo Magacaabay SHANTA Weeraryahan Ee Ugu

Weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa magacaabay xiddig afka hore uga ciyaara Atletico Madrid oo uu ku tilmaamay inuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan dunida, kaas oo kulankiisii ugu horreeyey laba gool u dhaliyey Atletico.Robert Lewandowski oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay weeraryahannada ugu wanaagsan waqtigan dunida, waxa waxa uu kooxdiisa Bayern Munich xili ciyaareedkii tegay u dhaliyey 55 gool iyo 10 caawimood, waxaanu la qaaday dhamaan koobabkii ay u tartameen, sida Champions League,…

Muxuu Luis Suarez Ka Yidhi Taariikhdii Uu Ka Dhigay Atletico

Weeraryahanka reer Uruugay ee Luis Suarez ayaa qirtay inuuu u baahnaa inuu isbeddel ku sameeyo xirfaddiisa oo uu tago Atletico Madrid, taas oo uu xalay u saftay kulankiisii ugu horreeyey.Suarez ayaa dhaliyey laba gool, mid kalena caawiye ka noqday muddo 19 daqiiqadood ah oo uu garoonka ku jiray, waxaanu qayb ka noqday xiddigihii tababare Diego Simeone ee xasuuqa u geystay Granada.Laacibkan oo beddel kusoo galay daqiiqaddii 71aad ayaa daqiiqad kaliya markii uu garoonka ku jiray, waxa uu caawiye ka noqday goolka afraad ee…

Hordhac: Liverpool vs Arsenal | Klopp vs Arteta – Dagaalka

Kulanka hore ee laba ciyaarood oo xidhiidh ah oo ay afar maalmood gudahood isku haleelayaan Liverpool iyo Arsenal ayaa caawa ka dhacay garoonka Anfield, halkaas oo Reds ay ku qaabilayso Gunners oo labadii jeer ee ugu dambeeyey marna ka badisay marna barbarro ku qabatay.Labadii ciyaarood ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ay koox walba soo ciyaartayay ayay kasoo hooyeen guulo, waxaanay iska hor imanayaan iyagoo sita min saddex dhibcood, laakiin marka Anfield oo madhan albaabka la iskugu xidho ayuu dagaal adag ku…

Barcelona Oo Xasuuqday Villarreal Iyo Ronaldo Koeman Oo Guul

Barcelona ayaa kooxda Villarreal xasuuq xun ugu bilawday horyaalka La Liga iyada oo Ronald Koeman uu waayihiisa tababaranimo ee Barca uu si layaableh ku bilawday. Ansu Fati ayaa laba gool oo deg deg ah Barca u dhaliyay qaybtii hore ee ciyaarta. Laakiin Fati ayaa markale sabab u noqday in Villarreal rekoodhe lagu dhigay isla qaybtii hore ee ciyaarta waxaana rekoodhahan gool u badalay Lionel Messi. Goolka afraad ee Barcelona oo dhamaadkii qaybtii hore yimid ayaa ahaa mid uu iska dhaliyay difaaca Villarreal ee Pau Torres.…

Shanta Qaab Ee Uu Mikel Arteta Ku Soo Dagaal Gali Doono

Arsenal ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar laakiin Gunners ayaa dalabkii labaad oo rasmi ah u dirtay kooxda Lyon kadib markii la soo diiday dalabkii ugu horeeyay ee la gudbiyay September 25.Pierre-Emerick Aubameyang ayaa si layaableh u qirtay in ay door bidyaaan in kooxdoodu ay la soo saxiixato xidiga kooxda Lyon ee Houssem Aouar taas oo sii xaqiijisay sida ay Gunners waqti badan xidigan ugu bixinayso.Aubameyang oo wax laga waydiiyay xiisaha kooxdiisa Arsenal ee Houssem Aouar ayaa yidhi:…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Barcelona Vs Villarreal Iyo Xidigaha Uu

Barcelona ayaa kulankeedii ugu horeeyay ee xili ciyaareedka cusub ee La Liga waxay Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda Villarreal iyada oo Ronald Koeman uu soo xushay shaxdiisii ugu horaysay ee kulan tartan ah.Barcelona ayaa doonaysa in ay ka yara nasato burburkii banaanka garoonka ku soo gaadhay bilihii ugu danbeeyay iyo khilaafyadii taxanaha noqday iyada oo Koeman uu doonayo in ay iska ilaawaan wax walba oo xun oo ay kooxdoodu soo martay.Ronald Koeman ayaa shaxdiisa goolka ugu soo bilaabay Neto iyada oo goolhaye Ter Stegen…

Miyay Liecester City Markale Layaab Dhigi Doontaa? Sidee Man

Manchester City ayaa gumaad wayn kala kulantay kooxda Leicester City oo xili ciyaareedkan wcdaro cajiib ah ugu bilaabatay horyaalka Premier League iyada oo wixii ay ka sameeyeen Etihad Stadium uu su’aalo badan abuuray.Man City oo daqiiqadii 4 aad ee ciyaarta gool ku hor martay ayaa 5-2 lagu xasuuqay waxayna noqotay guuldaro shaki wayn ku abuurtay awooda kooxda uu Guardiola dib u qaabaynta ku sameeyay.Liecester City waxay guulaysatay kulankeedii 3 aad oo xidhiidh ah waxayna si xarogo leh ugu fadhiisatay halka ugu saraysa…

Leicester City Oo Man City Gumaaday, Jamie Vardy Oo

Kooxda Leicester City ayaa Manchester City ku ceebaysay Etihad Stadium iyada oo Jamie Vardy uu saddexley goolal ah uu si layaableh ugu xasuuqay Man City. Man City ayaa la kulantay guul daraadii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan balse qaabka loo bahdilay ayaa noqday mid muujinaya sida ay kooxda Guardiola xili ciyaareedkan u nugushahay.Inkasta Man City ay ciyaartoy muhiim ahi ka maqnaayeen, haddana qiimaha ciyaartoyda Man City garoonka ugu jiray iyo kuwa kaydka ka soo baxay ayaa City qiimo aad uga sareeyay kooxda Leicester…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More