Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Maxaa Ku Dhacay, Halkee Ayayse Ku Dambeeyeen 25kii Da’yar Ee

Laga soo bilaabo sannadkii 2010, Lionel Messi ayaa ahaa halbeegga lagu cabbiro ciyaartoyda soo baxaysa ee laga arko inay leeyihiin hibo ciyaareed, waxaana tobankaa sannadood ee lasoo dhaafay dunida soo maray 25 laacib oo da’yar cajiib ahaa oo lagu sifeeyey inay yihiin ‘xiddigaha xiga Lionel Messi’.Xiddiga Barcelona ayaa taariikh qurux badan uga tegaya kubadda cagta, waxaanu kusoo guuleystay lix Ballon d’Or iyadoo uu yahay laacibka ugu guulaha badan biladda xiddiga adduunka, taas oo ka dhigaysa mid looga tusaale qaato…

Labada Xul Ee Uu Lionel Messi U Ciyaari Karay Ee Aan Aheyn

Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa u ciyaari karay wadamada Italy ama Spain bedelkii uu u ciyaari lahaa Argentina.33 jirkaan reer Argentina ayaa ku hogaamiyay xulkiisa finalkii Koobka Adduunka ee 2014 iyo finaladii Copa America ee 2015 iyo 2016.Laakiin Messi ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay inuu xulkiisa ku hogaamin waayay koob weyn inkastoo uu ku guuleystay kubada dahabka ee Koobkii Adduunka ee 2014 iyo kubada dahabka ee Copa America 2015.Sida ay sheegtay shabada Goal, kabtanka Argentina ayaa u ciyaari karay xulka…

20 Doolar Ma Ku Daawan Laheyd Kulan Premier League? Kooxaha

Taageerayaasha kubada cagta ee dalka Ingariiska ayaa si weyn uga careysan go’aanka ay kooxaha Premier League ku gaareen in kulan walba lagu daawado lacag gaareysa 14.95 ginni oo u dhiganta 20 doolar.Halyeeyga Man United Gary Neville ayaa ku tilmaamay talaabada ay qaadeen kooxaha Premier League mid aad u xun halka taageerayaasha Ingariiska ay sheegeen inay tani la micno tahay in kubadii cagta ay dhimatay.Taageerayaasha ayaa lagu qasbi doonaa in lacag ku daawadaan kulamada aysan baahin doonin Sky Sports iyo BT Sport.Manchester…

Arsenal Oo Jeex-Jeexeysa Qandaraaska Mesut Ozil, Waqtiga Ay

Arsenal ayaa lagu waramayaa inay dib u bilaabeyso wadahadaladii ay kula jirto Mesut Ozil si ay u jeex-jeexaan qandaraaskiisa oo uu isbuucii ku qaato 350 kun ginni.Wargeyska Daily Mail ayaa qoraya in Arsenal ay mar kale wadahadal la geli doonto xiddiga khadka dhexe ee laga masaafuriyay shaxda kooxda si ay mushaharkiisa isaga meeleeyaan bisha Janaayo.Waxaa la fahamsan yahay in Gunners ay xiriir la sameysay Ozil labadii isbuucii ee ugu danbeysay si ay heshiis uga gaaraan sagaalka bilood ee ka harsan qandaraaskiisa.Laakiin…

Tuug U Dhacay Guriga Cristiano Ronaldo Saaka & Wixii Uu

Guriga Cristiano Ronaldo ee ku yaala jasiirada uu ka soo jeedo ee Madeira ee dalkiisa Portugal ayaa tuug uu u dhacay maanta Oo Jimce ah iyadoo tuuga uu xaday alaabo kaa yaabin doona.Tuuga ayaa doortay inuu xabsi u galo oo uu xado maaliyada Juventus oo uu saxiixay Ronaldo oo taalay guriga iyo alaabo kale oo aan qiimo u laheyn xiddigii hore ee Real Madrid oo guriga yaalay.Sida ay sheegayaan warbaahinta Portugal, tuuga ayaa guriga ka galay garaashka ka dib markii uu mid ka mid ah shaqaalaha guriga uu furay albaabka…

Aaron Wan-Bissaka Oo Bogiisa Ka Tiray Calanka England Kuna

Aaron Wan-Bissaka ayaa si maldahan u sheegay inuu xul bedelanayo isagoo Instagram ku muujiyay xulka uu doonayo inuu u ciyaaro ka dib markii uu bogiisa Instagram ka masaxay calanka England.Wan-Bissaka ayaa Manchester United kaga soo biiray kooxda Crystal Palace sannadkii 2019, waxaana uu ka mid ah noqday xiddigaha daafaca ee ugu muhiimsan ee Shayaadiinta Cas Cas.Laakiin tababaraha xulka England Garteh Southgate ayaan weli si buuxda ugu soo yeerin 22 jirkaan isagoo ka doorbiday daafacyada garab ee weerartama ee xiddiga…

“Waayihiisii Liverpool Wuu Soo Dhammaaday” – Xiddig

Da’yarka kooxda Liverpool ee Marko Grujic oo dhawaan dhammaystiray heshiis amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah oo uu kusoo joogayo kooxda ree Portugal ee FC Porto ayaa gantaal kusoo ganay goolhayaha kooxdiisa ee Adrian.Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku qasbanaaday inuu goolhayaha ree Spain shaxdiisa kusoo bilaabo kaddib markii uu dhaawac garabka ahi gaadhay goolhayaha dookha koowaad ee Alisson Becker.Kaddib markii uu kulanku afar daqiiqo socday, Adrian ayaa hadiyadeeyay goolka furitaanka ee uu Ollie Watkins oo…

Abaalmarinta Xiddigii Ugu Fiicnaa Premier League Bishii

Maamulka horyaalka Premier League ayaa ku dhawaaqay ciyaaryahanka kusoo guuleystay xiddigii ugu fiicnaa horyaalkaas bishii dhammaatay ee September waxaana loo doortay weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin oo wakhtigii ugu fiicnaa noloshiisa ku jira.Calvert Lewin ayaa ilaa hadda lix gool afar kulan oo Premier League ah kasoo dhaliyay halka uu sagaal gool kusoo dhaliyay lix kulan oo tartamada oo dhan ah.Intaas waxa dheer in Dominic markiisii ugu horreysay abid looga yeedhay xulka qarankiisa England isla markaana uu…

AKHRISO Hadalkii Ugu Horreeyay Ee Uu Thomas Partey Yidhi

Saxeexa cusub ee kooxda Arsenal ee Thomas Partey ayaa markii ugu horreysay hadlay isaga oo ciyaaryahan kooxdaas ah isla markaasna farriin usoo diray jamaahiirta kooxdiisa cusub.27 sano jirkan ayaa habeenimadii Isniintii lacag 45 Milyan oo Pound ah Arsenal ugaga soo wareegay dhinaca Atletico Madrid iyadoo uu tababare Mikel Arteta kor u qaaday dookhyadiisa khadka dhexe xilli ay kooxdu ugu yaraan afarta sarre u tartami doonto.Partey ayaa hadda xulkiisa qaranka ee Ghana oo uu kulamo caalami ah u ciyaarayo ku sugan isla markaana…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More