Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Manchester United vs

Manchester United ayaa guul weyn oo 4-1 ah kasoo hoysay kulankii ay safarka ku tagtay garoonka St. James’ Park ee Newcastle United, taas oo uu Bruno Fernandes rikoodhe khasaariyey ka hor intii aanu gool kale isku sixin.Marcus Rashford ayaa Manchester United guusha ka caawiyey, waxaanay u ahayd habeen uu si adag u shaqeeyey oo uu gool dhaliyey, caawinna sameeyey.Luke Shaw ayaa gool iska dhaliyey bilowgii ciyaarta, waxaase saxay Harry Maguire oo madax ku dhaliyey goolka barbarraha.Qaybtii oo dhamaad ku dhow ayuu Bruno…

Barcelona Oo Guul-darradii Ugu Horreysay Xili Ciyaareedka

Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan kasoo gaadhay kulan ay marti ugu ahayd Getate, waxaana lagu soo garaacay 1-0.Gool rikoodhe ahaa oo qaybtii labaad uu Getafe u dhaliyey laacibkooda Jaime Mata ayaa natiijada ciyaarta go’aamiyey.Ronald Koeman oo kooxdiisa isbeddel badan ku sameeyey, isla markaana kaydka dhigay Coutinho iyo Ansu Fati ayaa ka shalleeyey isbeddelkaas, waxaana uu la kulmay guul-darradii ugu horreysay xili ciyaareedka.Barcelona ayaa iska lumisay fursad ay ugu dhowaan lahayd Real Madrid oo fiidkii hore…

Manchester United Jidka Guusha Kusoo Laabtay, Fernandes Oo

Manchester United ayaa jidka guusha kusoo laabatay waxaanay 4-1 ku garaacday Newcastle United kulan uu rikoodhe khasaariyey Bruno Fernandes.Newcastle United ayaa la hor martay gool uu iska dhaliyey Luke Shaw daqiiqaddii 2aad ee ciyaarta, waxaana goolkaas soo beday Harry Maguire oo madax ugu barbarreeyey kooxdiisa.Man United ayaa rikoodhe iska khasaarisay, waxaase qaybtii labaad guusha u hoggaamiyey Bruno Fernandes, Aron Wan-Bissaka iyo Marcus Rashford oo ilbidhiqsigii ugu dambeeyey shabaqa soo taabtay.Shaxda labada…

Virgil van Dijk Oo Macasalaameeyey Xili Ciyaareedka &

Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk ayaa macasalaameeyey xili ciyaareedkan oo dhan kaddib markii uu dhaawac culus kasoo gaadhay lugta kulankii Merseyside derby ee Sabtidii maanta ay barbarraha 2-2 ku kala baxeen Everton.Difaaca reer Netherlands ayaa qalad xun uu ku galay goolhaye Jordan Pickford daqiiqadihii ugu horreeyey, waxaana isla markii ay ciyaartu dhamaatay loola cararay cusbitaal ku yaalla magaalada Liverpool, kaas oo sidoo kale la geeyey Thiago Alcantara oo isagana uu taakal xun ku qabtay Richarlison oo kaadh cas…

Labadii Ciyaartoy Ee Guul-darrada U Horseeday Arsenal,

Manchester City ayaa kusoo laabatay jidka guusha oo ay ka maqnayd labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo ay midda hore ay Leicester City si xun ugu garaacday Etihad Stadium, midda labaadna barbarro ay ku dhibaatoodeen ay dhibcaha iku wadaageen Leeds United.Tababare Pep Guardiola oo gacan yarihiisii Mikel Arteta kusoo dhoweeyey garoonka Etihad ayaa saddexda dhibcood u dabbaal-degay markii uu garsooruhu ku dhawaaqay siidhiga dhamaadak, waxaana mahaddeeda iska lahaa Raheem Sterling oo qaybtii hore u saxeexay goolka.Arsenal ayay…

Jurgen Klopp Oo Si WERWER Leh Uga Hadlay Dhaawacyada Van

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhaawacyadii soo gaadhay Xiddigaha kooxdiisa ee Virgil van Dijk iyo Thiago Alcantara oo loo qaaday cusbitaalka markii ay dhamaatay ciyaartii Everton ay barbaraha 2-2 ku kala baxeen.Van Dijk ayaa ciyaarta laga saaray qaybtii hore oo waxyar socoto markii uu goolhaye Jordan Pickford ku galay qalad xun oo keenay inuu garoonka ka baxo, kaas oo ay khubarada ciyaaruhu tilmaameen inuu u qalmayay kaadh cas hase yeeshee nasiib wanaaggiisa kaga badbaaday.Thiago ayaa isagana dhamaadkii…

Real Madrid Oo Guul-darro Xanuun Badan Kala Kulantay Kooxda

Real Madrid ayaa guul-darro lama filaan ahi kasoo gaadhay ciyaar ay marti ugu ahayd naadiga dhowaanta kasoo dallacay heerka labaad ee Cadiz, taas oo ku garaacday 1-0.Los Blancos oo saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka soo guuleysatay ayaa dhibic kaliya ka heshay ciyaar kala daadsanayd oo ay kala hor tageen Cadiz, taas oo Zinedine Zidane uu isbeddel weyn ku sameeyey safkiisa.Daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta ayey Cadiz heshay goolka kaliya ee ciyaarta ka dhashay ee ugu filnaaday inay saddexda dhibcood ee kulanka la…

Manchester City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartey Arsenal Iyo

Manchester City ayaa guul cidhiidhi ah oo ay ku rafaadday ka gaadhay Arsenal oo ay kusoo dhoweysay garoonkeeda Etihad Stadium, waxaanay kusoo laabatay jidka guusha kaddib laba ciyaarood oo midna laga badiyey midna ay barbarro galeen.Manchester City oo uu ka maqnaa xiddigooda Kevin de Bruyne ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan oo ay saddexda dhibcood kaga qaadatay Arsenal oo ciyaartoygeeda afka hore aanay si fiican u shaqaynayn kaddib isbeddello badan ee oo uu Arteta ku sameeyey xiddigihiisa.Daqiiqaddii 23aad ee ciyaarta…

Zlatan Ibrahimovic Oo Go’aamiyey Natiijada Milan Derbay,

AC Milan ayaa guul ay ku rafaadday ka gaadhay kooxda ay isku magaalada iyo garoonkaba yihiin ee Inter Milan, taas oo ay ku garaacday 2-1.Zlatan Ibrahimovic ayaa AC Milan u dhaliyey laba gool oo saddex daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen oo qaybta hore ahaa, waxaana midka hore uu ahaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 10aad oo uu goolhaye Samir Handanovic ka qabtay, laakiin uu kubadda dib ugu celiyey oo uu dhaliyey.Goolka labaad ayuu dhaliyey daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta waxaanay ahayd kubbad ka timid dhinaca bidix oo uu soo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More