Muxuu Yahay Go’aanka Uu Neymar Durba Kasii Cawday Kahor Final-ka Copa

Garabka weerar ee xulka Brazil ahna xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa cawday ganaaxa uu Final-ka Copa America ee Axada qabsoomayo xulkiisa kaga maqnaan doono weeraryahanka Manchester City ee Gabriel Jesus.

Xiddiga Man City ayaa kaadh casaan ah oo toos ah la siiyay kaddib markii uu qaab waali ah wajiga uga laagay xiddiga xulka Chile ee Eugenio Mena kulankaas oo ay guul 1-0 ah ka gaadheen Chile.

24 sano jirkaas ayaa soo bandhigay sida uu uga qoomamoonayo inuu qaladkaas sameeyay isaga oo sidoo kale raali gelin siiyay xiddigaha ay Brazil wada metelayeen ee uu 10-ka ciyaartoy ku koobay qaybtii dambe ee ciyaartaas.

Jesus ayaan wax qayb ah ka qaaday kulankii afar dhammaadka ee Peru ay guusha 1-0 ka ah kasoo hooyeen waxaana gadhka loo geliyay ganaax laba kulan ah taas oo ka dhigan inuu maqnaanayo ilaa ciyaarta Final-ka tartanka.

Haatan 29 sano jirka PSG ayaa cadho kala dul dhacay xidhiidhka kubadda cagta ee CONMEBOL oo uu ku sheegay kuwo aan si fiican u arag wixii dhacay.

“Waa wax aad looga murugoodo in lagu jiro gacmaha dadka gaadhay go’aanadan, baadhitaan qurux badan ayay ku sameeyeen dhacdadaas, waa inaynu u hambalyaynaa” ayuu yidhi Neymar.

“Ganaax laba kulan ah iyo racfaan la’aan? hambalyo CONMEBOL, waxaan filayaa inaydaan si sax ah u arag waxa dhacay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More