Muxuu Jurgen Klopp Ka Aaminsan Yahay Tababare Carlo

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in fikirkiisa ku aaddan tababare Carlo Ancelotti aanu marnaba sir ahayn, waxaanu hoosta ka xariiqay inuu u hayo ixtiraam badan.

- Advertisement -

Ancelotti ayay kooxdiisa Everton hoggaanka u haysaa horyaalka Premier League iyadoo wada guuleysatay dhamaan afartii ciyaarood ee ay dheeleen, halka Liverpool ay siibatay kulankii ugu dambeeyey oo ay Aston Villa ku garaacday 7-2.

Sabtida berri ayay Everton iyo Liverpool ku ballansan yihiin garoonka Goodison Park, waxaana mar kale foodda is daraya Jurgen Klopp iyo Carlo Ancelotti oo hore ujgu soo xafiiltamay horhyaalka Bundesliga xilligii ay kala hoggaaminayeen Borussia Dortmund iyo Bayern Munich.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo la weydiiyey fikirka uu ka qabo tababare Ancelotti ayaa yidhi: “Waa koox weyn (Everton), isaguna waa tababare sare. Waxa aan ka aaminsanahay Carlo Ancelotti marna ma qarsoonayn. Ma jiro tababare aan uga ixtiraam badanahay. Waa binu-aadam layaab leh haddii aan si daacad ah uga hadlo.

“Maalintii ugu horreysay ee aan maqlay inuu u saxeexayo Everton ayaan sii ogaa, waxaanan sii idhi ‘Ah, waa xafiiltankii ugu habboonaa  oo laynka soo galay.”

Kulankii iskugu dambeeyey labada kooxood xili ciyaareedkii hore oo ka dhacay garoonka Goodison Park, waxay bishii June ku kala baxeen barbarro goolal la’aan 0-0 ah, waxaana markii ay soo dhamaatay uu tababare  Jurgen Klopp qirtay in ay ahayd ciyaar aad ugu adkayd.

“Dabcan way adkayd laakiin dhamaadkii, wax bay noo ahayd. Waa waxa aad ka fikiri karto subaxnimada maalinta derby-ga laakiin maalinimada waa inaad hubiso inaad sida saxda ah u shaqayso sababtoo ah kubadda cagta ee nadiifta ahi kama duwana ciyaaraha kale.”

Liverpool ayaa u dagaallami doonta in fadeexaddii Aston Villa ay iska soo maydho oo ay guuleysato ciyaartan, sidoo kalena Everton ayaa  halgan u gelaysa sidii ay hoggaanka u sii dheeraysan lahayd.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More