Mushaharka Ciyaaryahanadda PSG Oo Lasoo Bandhigay Kaddib Heshiiskii
Kooxda reer France ee PSG ayaa maanta shaacisay inay heshiis saddex sannadood ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe ee reer Netherlands ee Georginio Wijnaldum oo si bilaash ah ugaga soo wareegay Liverpool, kaddib shan sannadood oo uu joogay Anfield.
Georginio Wijnaldum oo mar qarka u saarnaa Barcelona ayay PSG ka hor-qaadday, kaddib markii loo bandhigay mushahar laban-laab ka badan midka ay kooxda reer Spain u ballan-qaaday.
Sida uu qoray wargeyska De Telegraaf ee kasoo baxa waddanka Holland, Wijnaldum ayaa sannadkii mushahar ahaan uga qaadan doona PSG lacag dhan £8.6 milyan oo Gini oo aanu mushaharku la socon. Marka toddobaadle loo beddelo, Wijnaldum waxa uu usbuucii qaadanayaa £165,000 Gini.
Haddaba, halkee ayuu Wijnaldum ka gelayaa liiska mushaharka ciyaartoyda PSG?
Kaddib saxeexii laacibkan, waxa lasoo bandhigay mushaharka ciyaartoyda PSG oo uu Wijnaldum ka noqonayo laacibka sagaalaad ee ugu mushaharka badan, waxaanu lix jeer ka mushahar yar-yaryahay xiddiga reer Brazil ee Neymar oo dhowaan saxeexay qandaraas cusub oo uu usbuucii ku qaadanayo ku dhowaad hal milyan oo Gini.
Kylian Mbappe ayaa labaad ku jira, waxaanu qaataa kala-badh lacagta Neymar, laakiin marka loo eego kooxaha kale ee dunida, waxa uu noqonayaa ciyaaryahannada ugu mushaharka badan.
Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda PSG
23. Mitchel Bakker – £20,000-toddobaadkii
22. Colin Dagba – £23,000-toddobaadkii
21. Danilo Pereira – £35,000-toddobaadkii
20. Sergio Rico – £44,000-toddobaadkii
19. Layvin Kurzawa – £79,000-toddobaadkii
18. Thilo Kehrer – £83,000-toddobaadkii
17. Pablo Sarabia – £87,000-toddobaadkii
16. Juan Bernat – £88,000-toddobaadkii
15. Rafinha – £89,000-toddobaadkii
14. Abdou Diallo – £91,000-toddobaadkii
13. Idrissa Gueye – £115,000-toddobaadkii
12. Julian Draxler – £126,000-toddobaadkii
11. Ander Herrera – £138,000-toddobaadkii
10. Leandro Paredes – £140,000-toddobaadkii
9. Georginio Wijnaldum – £165,000-per-week
8. Mauro Icardi – £168,000-toddobaadkii
7. Presnel Kimpembe – £175,000-toddobaadkii
6. Keylor Navas – £210,000-toddobaadkii
5. Ángel Di María – £235,000-toddobaadkii
=3. Marco Verratti – £252,000-toddobaadkii
=3. Marquinhos – £252,000-toddobaadkii
2. Kylian Mbappé – £403,000-toddobaadkii
1. Neymar – £859,000-toddobaadkii