Mulkiile Josh Kroenke Oo Shaaciyey Cidda Bixinaysa Lacagta Ganaaxa Ah

Josh Kroenke oo ah mulkiilaha Arsenal ayaa shaaciyey cidda bixin doonta ganaax ay kooxdu kala kulmi doonto Super League oo ay iskaga baxday.

Kooxaha ka baxay tartanka Super League ayaa waajihi doona ganaaxyo kaga imanaya maamulka tartanka ay iyagu sameeyeen ee ay haddana ka baxeen ee Super League, sababtuna waxay tahay in ay ka baxeen.

Lixda kooxood ee waaweyn ee Premier League ee Manchester United, Manchester City, Liverpool, Chelsea iyo Tottenham oo dhamaantood ka mid ahaa aas-aaseyaasha ayaa culays kaga yimid taageereyaashooda waxay ku qasbanaadeen in ay iskaga baxaan tartanka.

Laakiin waxa sugaya ganaaxyo lacageed oo ay mutaysan doonaan maadaama markii hore ee ay aas-aasayeen Super League ay samaysteen maamul wax waliba u dhan yihiin oo ay ciqaabo mudanayaan kooxaha dhayalka kaga  baxa.

Josh Kroenke oo ah mulkiilaha dhabta ah ee Arsenal, maadaama uu yahay ninka saamiga ugu badan leh ayaa waxa uu shaaciyey in kooxda Arsenal aanay bixin doonin lacagta ganaaxa ah ee Super League ku ridi doono, balse ay shirkaddiisa KSE ay isku ciqaabi doonto in ay bixiso lacagtaas.

Khamiistii maanta ayuu Josh Kroenke ka jawaabay su’aalo tiro badan oo ay laga weydiiyey Super League, tabashooyinka taageereyaasha iyo ugu dambaynta cidda bixinaysa lacagta ganaaxa ah.

“Waxaan xaqiijinayaa, in shirkadda KSE ay dabooli doonta dhamaan karashaadka diibedda ee la xidhiidha ESL.” Ayuu yidhi Josh Kroenke.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More