Mucjisadii Barcelona Ee Ilaix Moriba Oo Cunsuriyad & Aflagaaddooyin

Xiddiga da’da yar ee sida hillaaca uga soo dhexbooday ciyaartoyda kulliyadda, xilli ciyaareedkii horena wacdaraha ka dhigay Camp Nou ee Ilaix Moriba ayaa soo bandhigay tacaddiyo takoor iyo cunsuriyad ah oo lagula kacay kaddib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa.

Ilaix Moriba oo ay da’diisu tahay 18 jir ayaa iska diiday in uu heshiis cusub u saxeexo Barcelona, xilli 11 bilood oo kali ahi ka hadhsan tahay dhamaadka qandaraaskiisa, waxaana muuqata in uu xagaaga dambe si bilaash ah kaga tegi doono.

Barcelona ayaa hore loo sheegay in ay ka shakisan tahay inuu tegayo Real Madrid oo ay si hoose ugu qalqaalinayso in aanu saxeexin heshiis cusub si uu Santiago Bernabeu uga ciyaaro, laakiin haddana Juan Laporta ayaan ka quusanin oo ku dedaalayay in uu miiska la fadhiisto oo uu ku qanciyo in uu ka laabto go’aankiisa.

Iyadoo ay xaaladdaasi taagan tahay, waxa uu laacibkan khadka dhexe soo bandhigay Isniintii farriimo nacayb iyo cunsuriyad midab ku sallaysan oo loogu soo diray barihiisa bulshada, kuwaas oo ay ku jiraan sawirrada daanyeero iyo far-dhexada oo aflagaaddo ah.

Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Tik Tok ayuu kusoo bandhigay farriimaha loosoo diray, isagoo dhinaca kalena muujiyey dareen cadho ah oo uu arrintan ka qaaday.

Falkan oo la rumaysan yahay inay ka dambeeyaan taageereyaasha Barcelona ee ka cadhaysan in uu laacibkani ka tago, ayaanay kooxdu wali ka hadal.

Ilaix Moriba ayaa kasoo baxay kulliyadda Barcelona, waxaana uu kooxda koowaad usoo dallacay xilli ciyaareedkii hore, isagoo kulankii u horreeyey ee uu saftayna ay ahayd wareeggii 32-ka ee tartanka Copa del Rey ee Cornella ee bishii January, intaa wixii ka dambeeyeyna waxa uu ciyaaray 17 kulan oo horyaalka LaLiga ah.

Kooxaha Real Madrid, Manchester City iyo Chelsea ayaa la sheegayaa in ay yihiin kuwa uu midkood u ciyaari doono Ilaix Moriba marka uu ka tago Barcelona, laakiin xaqiiqada ayaa ah in ay kooxo badan ku tartami doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More