Miyaad Ku Biiraysaa Liverpool? Geesigii FA Cup Ee Leicester City Youri

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa la filayaa inuu suuqa u geli doono saxeexa khad dhexe kaddib markii uu Georginio Wijnaldum qaab xor ah ugaga biiray dhinaca Paris Saint-Germain.

Khadka dhexe ee Leicester City ee Youri Tielemans oo kamida xiddigaha buuxinta booskaas lala xidhiidhinayo ayaa sheegay inuusan ka fikirayn haatan wax ku saabsan mustaqbalkiisa oo uu kaliya diirada saarayo tartanka Euro 2020 iyo xulka Belgium.

Tielemans ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareed cajiib ah oo uu horyaalka Premier League isaga oo kusoo khatimay gool cajiib ah oo uu ka dhaliyay Final-kii FA Cup oo uu kooxdiisa Leicester ku guuleeyay.

Tan iyo wakhtigaas, Tielemans ayaa lala xidhiidhinayaa inuu noqdo bedelka Wijnaldum iyadoo booska khadka dhexe uu yahay mid kamida meelaha ay aadka u doonayaan inay iska soo xoojiyaan.

Si kastaba, Tielemans ayaa biyo qabaw ku shubay wararkaas isaga oo sheegay inuusan ka fikirin wax ku saabsan suuqa isla markaana uu saxaafada u daynayo ka hadalka arrimahaas.

Youri ayaa yidhi “Taasi dhab ahaan maaha mid i qusaysa haatan, ha hadlaan saxafiyiintu, aniga waxba igama gelin midaas, waxaan samayn karaa kaliya inaan hubiyo inaan ku wanaagsanahay garoonka dhexdiisa”

“Anigu kama fikiro midaas (Heshiiskiisa Leicester), waxaan diirada saarayaa Euros, anigu ma dhagaysto wararka suuqa, muhiim maaha inta laygu qiimeeyo, aniga waxba igama bedelayso, kaliya waxaan doonayaa inaan ciyaaro Euros-ka ugu fiican ee aan awoodo”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More