Miyaad Aragtay Jose Mourinho Oo Ooyaya? – Akhriso Dareenka Qiirada Leh

Jose Mourinho ayaa ilmada xajisan waayay oo oohin miciinsaday laba jeer, waxaana u dambaysay shalay oo uu la murugooday argagaxii uu ka qaaday markii uu Christian Eriksen ku dhacay garoonka dhexdiisa, iyadoo uu kusoo booday wadne xanuun aan lagu ogeyn.

Tababaraha reer Portugal ee aan lagu aqoonin jixin-jixa ayaa ka adkaysan kari waayey Eriksen, waxaanu ilmada shalaqsday isagoo toos u daawanayey sidii ay wax u dhaceen, si la mid ah dad badan oo kale.

Laacibkan ayaa garoonka dhexdiisa ku galay koomo, waxaana muddo xaalkiisa lala tacaalayay oo lagu xidhay mishiinka naqaska loola cararay cusbitaalka, halkaas oo uu miyirkiisu kusoo noqday.

Mourinho oo shalay ka hadlayay warbaahinta talkSPORT ee uu falanqeeyaha ka yahay, ayaa sheegay in wali maskaxdiisa ay ka go’i la’dahay wixii dhacay habeen hore ee sababta u noqday in uu ooyo.

“Maanta, ma joojin karayo inaan ka fikiro wixii dhacay xalay (habeen hore). Waxay ila tahay, in ay tahay maalin dabbaal-deg balse aanay mid murugo ahayn {Sababtoo ah Eriksen ma dhimanin}.” Ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa raaciyey: “Shalay waan ooyey, waanan u ducaynayay, laakiin malaayihiin qof oo kale oo dunida ku nool ayaa iyaguna u ducaynayay.”

Jose Mourinho ayaa sidan oo kale u ooyey sannadkii 2017 xilli uu bixinayay waraysi oo la tusay sawirka aabbihii oo geeriyooday.

Aabaha dhalay Mourinho oo lagu magacaabi jiray Felix Mourinho ayaa ahaan jiray goolhaye, waxaase uu geeriyooday sannadkii 2007 iyadoo ay da’diisu ahayd 79 jir.

Xilligaas ayaa la tusiyey sawirka aabbihii, waxaana la su’aalay inuu tababarenimada aabbihii soo baray. Laakiin halkii laga sugayay jawaab ayuu oohin qabsaday, waxaana mar kaliya indhihiisa qoysay ilmo.

Kalmado kooban ayaa waqtigaas kasoo yeedhay, waxaana uu yidhi: “Fadlan ha iga oohinin…”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More