Carlo Ancelotti Oo Dalbaday Xiddig Laf-dhabar U Ah Chelsea & Qorshaha

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa dalbaday in kooxdu ka shaqayso sidii ay ula soo saxeexan lahayd xiddig ka tirsan Chelsea oo uu u arko inuu wax badan kusoo kordhin doono haddii uu yimaaddo Santiago Bernabeu.

Real Madrid ayaa lacag la’aan ka cabanaysa, laakiin haddana kama maqnaanayso suuqa iibka ee xagaagan, sababtoo ah xilli ciyaareedkii hore ayay koobab la’aan ku dhamaysteen, waxaanay u baahan yihiin inay iska xoojiyaan dhawr boos.

Carlo Ancelotti oo beddelay Zinedine Zidane ayaa dib usoo celiyey ciyaaryahannadii amaahda ku maqnaa ee Martin Odegaard iyo Dani Ceballos, sidoo kalena waxay kooxdu go’aan ka qaadan doontaa Brahim Dias oo AC Milan jooga iyo Renier oo Borussia Dortmund amaah ahaan ugaga maqan.

Booska ay tahay inay keento ciyaartoy tayo leh ayaa ah afka hore ee weerarka oo Karim Benzema uu kali ku yahay, waxaana Los Blancos lala xidhiidhinayaa weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe oo qandaraaskiisa PSG uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay, isla markaana aan wali saxeexin heshiis cusub, waxaanay kooxdiisu ku qasban tahay inay iibiso suuqa xagaagan ee hadda furan haddii ay aragto in aanu saxeexayn heshiis sababtoo ah sannadka dambe waqtigan oo kale ayuu si bilaash ah kaga tegi doonaa.

Si kastaba, Carlo Ancelotti ayaa lagu soo warramayaa inuu kooxdiisa Real Madrid ka dalbaday in loo keeno weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner oo xilli ciyaareedkii tegay ka caawiyey Blues inay ku guuleysato Champions League.

Inkasta oo gool-dhalintiisu yarayd oo 52 kulan oo uu saftay uu 12 gool oo kaliya u dhaliyey Chelsea, haddana Ancelotti ayaa rumaysan in qaab ciyaareedka Real Madrid uu ka caawin doonto Timo Werner in uu dhaliyo 34kii gool ee RB Leipzig uu u dhaliyey xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More