Micah Richards: Galmo Badan Darteed Ayaa Xiddigihii Kubada Cagta

Xiddigii hore ee Manchester City Micah Richards ayaa sheegay in tababare Stuart Pearce inuu ciyaartoyda kubada cagta Great Britain ka saaray tuulada Olimbikada sannadkii 2012 madaama ay ciyaartoyda galmo badan sameynayeen.

Richards ayaa sannadkaas qeyb ka ahaa xulka Great Britian ee ciyaaraha Olimbikada kuwaasoo gaaray wareega sideeda balse ay guuldarro rigoore ah ka soo gaartay South Korea. Richards oo ka sheekeynayay wixii ka dhacay tuulada Olimbikada sannadkii 2012 isagoo u waramayay Jamie Carragher ayaa yiri:

“Waxaan ku joognay tuulada Olimbikada, waxay aheyd isku dhex yaac. Bale qiyaas dhamaan ciyaartoyda isboortiga kale duwan ee dunida oo rag iyo dumar leh oo hal meel la isagu keenay islamarkaana cuno walba nooca ay doonto la siiyay.

“Waxaa qasab noqotay in ciyaartoy badan ay galmo joogta ah sameeyaan taasoo keentay in tababare Stuart Pearce uu inaga kaxeeyo tuulada madaama ay noqotay mid ciyaartoyda ka horjoogsatay howshii loo igmaday.

“Waali ayay aheyd, qof walba ayaa joogay halkaas, waxaadna maanka iska weydiinay maxaa ka socda halkaan? Waxaa halkaas joogay kuwa miisaanka qaada oo aad u waa weyn.

“Waxaa kaloo joogay kuwa dabaasha oo aad u qurux badnaa islamarkaana dhuudhuubnaa, group-yo badan oo isboorti ayaa joogay tuulada. Wax walba ayaa ka dhacayay.

“Ciyaaraha Olimbikada waa ay ka duwan yihiin tartamada kale, sababtoo ah ciyaartoyda isboortiyada oo dhan ayaa hal meel la isagu keenaa. Isa soo jiidasho badan ayaa dhaceysa, waa jawi ka duwan tartamada kale, waa ay adag tahay in la sharaxo xaqiiqdii.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More