Mesut Ozil iyo Kolasinac ayaa toorey la dhacay

Sead Kolasinac iyo Mesut Ozil ayaa muddo dheer ku xirnaa magaalada London.

Kaamirooyinka ayaa soo bandhigay labo nin oo burcad ah oo hubeysan oo weeraraya Ozil iyo Sead Kolasinac iyagoo wata gaariga ay wateen, Saed Kolasinac ayaa la dagaalamay taas oo ku qasabtay burcada inay baxsadaan.

Burcadda ayaa sidoo kale fulisay weeraro kale oo lamid ah Ozil iyo Kolasinac intii u dhaxeysay Abriil 2019 iyo July 2020 waxayna dadka qaar ka qaateen lacag iyo saacado.

Xilliga weerarka, Sead Kolasinac iyo Mesut Ozil waxay isku dayayeen inay sii daayaan saacadaha 200,000.

Booliska ayaa xiray labada nin, waxaana xukunkii ugu dambeeyay hada lagu dhawaaqay waxayna xabsiga ku jiri doonaan 100 sano.

Maxkamaddii ugu horreysay bishii Nofeembar 2019 waxay ku xukuntay burcadda wadar ahaan lix sano oo xabsi ah, laakiin xukunka ayaa hadda la kordhiyay.

Burcadan oo iyagana lagu soo oogay dambiyo kale ayaa maxkamada Harrow Crown waxay ku xukuntay ilaa 20 dhac oo kala duwan ah oo ay ku jirto haweeney 80 jir ah.

Guri ku yaal aagga Golders Green ayaa sidoo kale waxaa baareen hooyo iyo labadeeda carruur ah, kuwaas oo wejigooda qariyey isla markaana bililiqaystay waxyaabo qaali ah.

Si kastaba ha noqotee, burcadda waxaa lagu xukumay 100 sano oo ay u qaybiyeen dhowr qof. Patrick Delaney oo 30 jir ah waxaa lagu xukumay 16 sano oo xarig ah. Martin Delaney oo 29 jir ah ayaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah, halka Kiaron Jones-Hewitt oo 27 jir ah lagu xukumay sideed sano.

Andy Kiasuka-Kiakanda oo 26 jir ah waxaa lagu xukumay 14 sano iyo afar bilood oo xabsi ah.

Jordan Northover oo 28 jir ah ayaa 8 sano oo xarig ah qaadan doona, halka Ryan Leurs oo 19 jir ah uu 9 sano ku qaadan doono xabsi halka Steven Barton iyo Cheyenne Cato ay sagaal iyo 15 sano qaadan doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More