Maxay Tahay Qirashada Layaabka Leh Ee Uu Kulankii Aston

Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa qaab lama filaan ah uga hadlay kulankii ay kooxdiisu dhawaan guuldarrada culus ee 7-2 ah dhabarka u saartay dhigeeda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool oo Villa Park kusoo booqatay.

Grealish ayaa kulankaasi lagu sifayn karaa inuu soo sameeyay bandhigiisii ugu fiicnaa abid inta uu garoomada ku jiray maadaama oo uu shan gool ka qayb qaatay oo uu laba gool iyo saddex caawimo soo sameeyay.

Guushaas ayaa ka dhigan in Aston Villa ay ilaa hadda 100% guul ah ku socoto dhammaan kulamada ay kasoo ciyaartay Premier League iyagoo kaliya ka dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Everton isla markaana kulan baaqi ah haysta.

Laakiin Grealish ayaa hadda si lama filaan ah u sheegay inuu qarka u saarnaa inuusan kulankaas ka qayb qaadanin oo uu dhaawac qabay ciyaarta kahor isla markaana isla maalintii kulanku dhacayay uu baadhitaan taam ahaanshihiisa ah maray.

Grealish oo u warramay wargeyska The Guardian ayaa yidhi “Dhab ahaantii waxa uu ahaa kulan layaab leh, tijaabo taam ahaanshahayga ah ayaan maray maalintii kulanka Liverpool”

“Xataa anigu maan tababaran labadii maalmood ee ka horreeyay sababtoo ah waxaan qabay xanuun muruq ah, maan rajaynayn inaan u ciyaari doono qaabkii aan u ciyaaray”

Grealish ayaa qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee kulankaas kasii waday ciyaartii xigtay ee uu xulkiisa England matalayay markaas oo uu caawin u sameeyay Dominic Calvert-Lewin iyaga oo 3-0 kusoo jiidhay xulka Wales.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More