Martial Iyo Lingard Oo Goolal Dhaliyey, Xiddig La Illoobay Oo Saftay

Manchester United ayaa guul weyn ka gaadhay ciyaar saaxiibtinimo oo ay maanta isku heleen kooxda ay horyaalka Premier League ka wada ciyaaraan ee Burnley kulan ay bandhig fiican sameeyeen xiddigaha la illoobay ee Jesse Lingard iyo Anthony Martial, xilli garoonka uu soo galay xiddigga ku dhowaad labad sannadood garoomada ka maqnaa ee Phil Jones.

Ciyaartan oo ak dhacday garoonka Old Trafford oo cidlo ahaa, isla markaana aan loo ogolayn taageereyaasha waxay Manchester United ku badisay 3-1.

Red Devils oo Sabtidii 5-1 ku garaacday Leeds United kulankeedii koowaad ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, waxa maanta ugu soo bilowday Jadon Sancho oo isku sii diyaarinayay kulamada soo socda iyo sidii uu safka hore uga soo muuqan lahaa.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa Sancho kusoo daray liiska ciyaartoyda kusoo bilowday, laakiin waxa aan kulankan qayb ka noqonin Raphael Varane oo Sabtidii ay kooxdu kusoo bandhigtay Old Trafford balse aan wali jidh ahaan taam u noqonin maadaama uu waqti badan ku maqnaa fasax.

Dean Henderson oo uu ku dhacay Fayraska Korona ayaan isaguna ciyaartan qayb ka ahayn maadaama uu tababarka kusoo laabtay Isniintii oo uu u baahan yahay waqti badan.

Xiddigihii Manchester United u saftay

Man United XI: Tom Heaton; Diogo Dalot, Eric Bailly, Harry Maguire, Brandon Williams; Nemanja Matic, Donny van de Beek, Juan Mata, Jadon Sancho, Jesse Lingard; Anthony Martial.

Ciyaartoydii kaydka ee qaybta dambe soo galay: Matej Kovar, Victor Lindelof, Phil Jones, Aaron Wan-Bissaka, Luke Shaw, Fred, Paul Pogba, Bruno Fernandes, James Garner, Daniel James, Mason Greenwood, Hannibal Mejbri.

Lindelof iyo Fred ayaa qaybta labaad lagu soo bilaabay, halka dhamaan sagaalka ciyaartoy ee kalena ay yimaaddeen daqiiqaddii 60aad..

Yaa dhaliyey goolasha

Aaron Lennon ayaa Burnley u dhiibay hoggaanka daqiiqaddii 10aad ee ciyaarta, laakiin shan daqiiqadood kaddib dabbaal-deggooda waxa kubbad  uu Harry Maguire madax kusoo dhuftay sii taabtay Anthony Martial oo dhaafiyey goolhaye Wayne Hennessey.

United ayaa waxyar kaddib hoggaanka ku qabatay kubbad uu ka shaqeeyey Anthony Martial oo uu u dhiibay Jesse Lingard oo tababarka kooxda kusoo laabtay kaddib fayraska oo ku dhacay oo uu ku seegay kulankii saaxiibtinimo ee Everton iyo ciyaartii furitaanka horyaalka ee Leeds United.

Fred ayaa raaciyey goolka saddexaad ee Manchester United.

Maxaa u xiga Man United?

Kulankan saaxiibtinimo waxa uu ciyaarta Manchester United  u ahaa fursad ay iskugu diyaariyaan kulamada xiga, maadaama qaar badani aanay qayb ka  noqonin kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga. United ayaa kulanka xiga oo horyaalka Premier League ah waxay la ciyaari doonaan Southampton oo ay marti ugu noqon doonaan St Mary’s.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More