Manchester United Oo Shalay Malaayiin Dollar Siisay Cadowgeeda Man

Manchester  City ayaa gacanta ku dhigtay malaayiin Gini kaddib markii ay Manchester United shalay si rasmi ah u dhamaystirtay saxeexa laacibka reer England ee Jadon Sancho.

Kaddib sannado ay isku dayaysay saxeexiisa, United ayaa ugu dambayn ku guuleysatay in ay Jimcihii soo bandhigto Sancho oo ay kala soo wareegtay Borussia Dortmund, kaas oo garoonka Old Trafford lagu soo bandhigay, iyadoo uu xidhan doono No25.

Sancho ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah oo ay la socdaan 12 bilood oo kale oo dheeraad ah oo United ay kordhin karto heshiiskiisa.

Red Devils ayaa laacibkan kasoo bixisay lacag dhan £72.9 milyan oo Gini, taas oo qayb ka mid ah ay ku dhacayso qasnadda kooxda ay isku magaalada yihiin, colaadduna ka dhaxayso ee Manchester City oo ay ku xafiiltamayaan horyaalka Premier League.

Sababta Man City u heshay qayb ka mid ah lacagtan ayaa waxay tahay, in Jadon Sancho uu kasoo baxay da’yarteeda, una ciyaari jiray ka hor intii aanu sannadkii 2017kii u wareegin Borussia Dortmund oo ku iibsatay £8 milyan oo Gini.

Heshiiskii Borussia Dortmund kula wareegtay Jadon Sancho, ayay Manchester City ku dartay qodob dhigayay, in haddii laacibkan la sii iibiyo ay Citizenz heli doonto 15 boqolkiiba lacagta lagu iibiyo.

Kaddib markii ay Man United xaqiijisay saxeexa Sancho, Manchester City ayaa heshay £9.74 milyan oo Gini oo ka  mid ah lacagtaas, taas oo ka dhigan in City ay isku-darka lacagta ay ka heshay Sancho ay noqonayso £18 milyan oo Gini oo ah lacagtii ay markii hore ku iibiyeen iyo inta ay hadda ka heleen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More