CAJIIB: Real Madrid Oo Ku Farxi Doonta Haddii Maamulka La Liga

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay fahmi doonto isla markaana aysan wax weyn u arki doonin haddiiba maamulka horyaalka La Liga uu kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona ka caawiyo inay heshiis cusub ka saxeexato Lionel Messi.

Qandaraaska uu Leo kula joogay Barcelona ayaa ah mid dhacay bishii hore isaga oo haatan koox la’aan ah mudo 24 maalmood ah isla markaana ay wali kooxdu wax awood ah u yeelan la’dahay inay mid cusub ka saxeexato.

Caqabada ayaa ah in Barca ay gaadhay xadiga ugu sarreeya ee mushahar bixinta horyaalka La Liga sidaas darteedna ay ku qasban tahay inay dhinto mushaharaadka ay bixiso si ay heshiiska cusub ee Messi u samayso.

Sidoo kale afarta saxeex ee ay kooxdu ilaa haatan ka samaysay suuqan ee kala ah Sergio Aguero, Eric Garcia, Emerson Royal iyo Memphis Depay ayaan iyagana si rasmi ah loo diiwaan gelin iyadoo ay haysato caqabad lamid ah mida Messi.

Haddaba, sida ay haatan sheegayaan saxaafada Spain, Real ayaan dhib u arki doonin haddii maamulka La Liga ay Barca u fududeeyaan heshiiska cusub ee Messi sababtoo ah inay og-yihiin dakhliga lacageed ee uu guud ahaan horyaalka u keeno 34 sano jirkaasi.

Laba toddobaad kahor ayay ahayd markii madaxweynaha La Liga ee Javier Tebas uu sheegay in aysan macquul ahayn in kooxdu ay heshiis cusub ka saxeexato Messi iyadoo siinaysa mushahar lamid ah midkii uu hore uga qaadan jiray.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More