Manchester United Oo Garaacday PSG Oo Garoonkeeda Joogta,

Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa Manchester United ka caawiyey inay guul 2-1 ah kala soo laabato Paris Saint-Germain oo ay ugu tagtay magaalada Paris.

Manchester United ayaa la hormartay gool rikoodhe ahaa oo uu u dhaliyey Bruno Fernandes, waxaase PSG ay barbarro ku heshay madax uu iska dhaliyey Anthony Martial oo rikoodhaha kooxdiisana keenay.

Ciyaarta oo sii dhamaanaysa ayay Manchester United u dabbaal-degtay goolka guusha oo uu u dhaliyey Marcus Rashford oo ciyaarta oo dhan khatar ku ahaa PSG, waxaanu goolkiisu ahaa mid uu masaafo dheer ka toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Keylor Navas.

Manchester United ayaa labadii jeer ee ugu dambeeyey ee ay PSG ugu tagtay Parc des Prince waxay kala soo laabatay guul, waxaana cajiib ah in sida caawa oo kale uu ciyaartoodii horena uu Rashford dhaliyey goolka guusha waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER UNITED (3-5-2): David de Gea; Axel Tuanzebe, Victor Lindelof, Luke Shaw; Aaron Wan-Bissaka, Fred, Scott McTominay, Bruno Fernandes (c), Alex Telles; Anthony Martial, Marcus Rashford.

Kaydka: Juan Mata, Odion Ighalo, Nemanja Matic, Brandon Williams, Facundo Pellistri, Dean Henderson, Daniel James, Timothy Fosu-Mensah, Paul Pogba, Donny van de Beek.

PARIS SAINT-GERMAIN (4-3-3): Keylor Navas; Alessandro Florenzi, Abdou Diallo, Presnel Kimpembe (c), Layvin Kurzawa; Ander Herrera, Danilo Pereira, Idrissa Gueye; Angel Di Maria, Kylian Mbappe, Neymar.

Kaydka: Kays Ruiz-Atil, Moise Kean, Marquinhos, Julian Draxler, Timothee Pembele, Colin Dagba, Alexandre Letellier, Mitchel Bakker, Rafinha, Bandiougou Fadiga, Sergio Rico, Pablo Sarabia.

Thomas Tuchel oo marti loo ahaa waxa uu kooxdiisa ku sameeyey shan beddel safkii uu kula ciyaaray Nimes Jimcihii, waxaana uu ciyaarta kusoo bilaabay laacibkii hore ee Manchester United ee Herreira.

Manchester United ayaa iyadna uu ka maqnaa kabtankeeda Maguire oo dhaawac ah iyo Mason Greenwood oo uu sii raacay saxeexooda cusub ee Edinson Cavani, halka Pogba uu kaydka kusoo bilowday.

PSG ayaa dardar ciyaarta kusoo gashay, waxaanay heshay fursaddii ugu horreysay markii ay socotay 13 daqiiqadood iyadoo Kylian Mbappe uu ku dhowaaday inuu shabaqa soo taabto laakiin David Dea Gea ayaa halkaas joogay. Kurzawa ayaa helay kubadda oo hoggaanka u dhiibayay kooxdiisa balse waxa dhacay qalad lagu galay Telles oo uu dhulka dhigtay Florenzi, waxaanay sidaas United kaga badbaaday halistii la geliyey.

Angel di Maria ayaa kubbad halisteedu badnayd oo uu kala soo galay dhinaca bidix waxa uu ku toogtay goolka Manchester United, waxaana kubaddaas isku si adag iskugu kala bixiyey De Gea oo goolkiisa ka leexiyey.

Daqiiqaddii 20aad ee ciyaarta ayay Manchester United dabbaal-degtay markii uu garsooraha ciyaarta dhexdhexaadinayay afuufay siidhiga iyadoo uu Anthony Martial dhulka yaallo, waxaana loo dhigay rikoodhe.

Bruno Fernandes oo ah laacibka United ugu qoran laagista rikoodheyaasha ayaa kubadda soo qaatay, waxaase kubadda ka qabtay Keylor Navas, laakiin VAR oo laga soo hubiyey ayaa waxa lagu ogaaday in goolhayaha reer Costa Rica uu laba tallaabo soo qaaday ka hor intii aanu kubadda qaban, taasina waxay keentay in rikoodha lagu celiyo.

Fernandes ayaa mar kale kubadda soo qaatay, waxaana uu toogtay isla halkii uu markii hore kubadda dhigay, laakiin Keylor Navas ayaa dhinaca qaldan isku tuuray, halkaana waxay Manchester United ku heshay goolka koowaad.

PSG ayaa ku doodday inay heleen rikoodhe markii uu xerada ganaaxa ku dhacay Kylian Mbappe, waxaana dhinaca garsooraha usoo dhaqaaqay Neymar oo hadlaya, hase yeeshee waxa loogu jawaabay kaadh digniin ah.

Manchester United ayaa mar kale heshay fursad ay ugu dhowaatay inay gool labaad ka dhaliso ciyaarta, waxaanay kubaddu inyar u martay goolka PSG, qaybta horena waxay kusoo dhamaatay 1-0 ay Manchester United hoggaanka la nasatay.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayay PSG isbeddel badan ka samaysay horumarka kubadda iyo culays weyn oo ay saareen difaaca United, waxaana kala-daadsanaantoodii qaybta hore ay kaga jawaabeen in Tuchel uu saaray Idrissa Gueye oo uu kusoo beddelay Moise Kean.

Culays badan kaddib, kubbado badan oo xerada ganaaxa ay keeneen kaddib, waxa difaaca Manchester United kubad kusoo khalkhaliyey Kylian Mbappe oo saddex ciyaartoy dhexdooda kasoo xoogsaday, isla markaana kubbada lasoo galay xerada ganaaxa, ka hor intii aanu laag awood badan ku tooganin goolka, taas oo uu dirqi ku badbaadiyey De Gea.

Daqiiqaddii 55aad ayay PSG heshay goolka barbarraha ee ciyaarta, waxaana koorne lasoo laagay madax iskaga dhaliyey Anthony Martial.

Kylian Mbappe ayaa daqiiqaddii xigtay u dhowaaday inuu goolka labaad kooxdiisa u dhaliyo, waxaana badbaadiyey Aaron Wan-Bissaka oo isku daadiyey.

Marcus Rashford ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyey fursadda PSG ay heshay, waxaana uu kubbad weerar rogaal celis ah kusoo qaaday Manchester United, waxaase kasoo gaadhay difaaca.

Weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo ay habeenkiisii ahayd ayaa ku dhowaaday inuu shabaqa soo taabto daqiiqadii 71aad markaas oo uu kubadd awood badan oo dhulka socotay ka hoos bixiyey goolhaye Navas, hase yeeshee inyar mitiro yar ayay goolka dhinaca ka martay kubaddu.

GOOOOAAAAALLL PSG 1-2 Manchester United – Marcus Rashford ayaa guusha ku hoggaamiyey kooxdiisa Manchester United, waxaana kubbad uu xerada ganaaxa dibeddeeda ugu dhiibay Pogba uu dhawr tallaabo oo orod ah ula soo qaaday dhinaca goolka PSG ka hor intii aanu laag awood badan oo dhulka uu mariyey ku tooganin goolhaye Navas oo isaga oo aan isasoo tuurin ay kubaddu shabaqa u weydaaratay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More