Man United Oo Ogaatay Qiimaha Grealish, Real Madrid Oo Laga

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Khamiis ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Aston Villa ayaa rumaysan in qiimaha kabtankeeda khadka dhexe uga ciyaara ee Jack Grealish oo ah 25 jir lala xidhiidhinayo Manchester United aanu ka yaraan karaynin £100 milyan oo Gini. (Telegraph)

Xiddiga PSG iyo Brazil ee Neymar oo 28 jir ah ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka garab ciyaaro Lionel Messi oo ay kala go’een markii uu Neymar ka tegay Barcelona sannadkii 2017kii. (ESPN)

Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa inay iibiso difaaceeda Milan Skriniar oo ah 25 jir ay £45 milyan oo Gini ku doonayso Tottenham. Waxa laacibkan ay kooxdu diyaar u tahay inay iibiso bisha January. (Sun)

Difaaca reer Netherlands ee Perr Schuurs oo 21 jir ah, lalana xidhiidhinayo Liverpool ayaa ku adkaystay inaanu diyaar u ahayn inuu ka tago Ajax. (Mirror)

Tababarihii hore ee Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa hoggaanka u haya tababareyaasha u sharraxan inay Zinedine Zidane ka beddelaan Real Madrid, waxaanu ka horreeyaa Raul. (Marca)

Pochettino waxa la rumaysan yahay inuu isagu xiisaynayo inuu tago PSG haddii ay dhacdo inay kooxdu erido Thomas Tuchel, taas oo uu ka door bidi lahaa Real Madrid. (Talksport)

Zinedine Zidane ayaa lumiyey kalsoonida qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa, waxaana ciyaartoyda kasoo horjeeda ka mid ah Eden Hazard. (Sport)

West Ham ayaa kala hadlaysa tababaraheeda David Moyes inuu saxeexo heshiis cusub oo uu waqtiga ugu kordhinayo kooxdiisa, ka hor inta aanu dhamaanin qandaraaskiisa hore oo ku eg dhamaadka xili ciyaareedka. (Sky Sports)

Tababaraha Tottenahm ee Jose Mourinho ayaa sheegay in aanay wax isaga u yaalla ahayn haddii ay kooxdu iibinayso Delle Alli bisha January iyo haddii kaleba. (Telegraph)

Newcastle United waxay doonaysaa difaaca bidix ee Manchester United ee  Brandon Williams, iyadoo 20 jirkan booska difaaca bidix ay kaga horreeyaan Luke Shaw iyo Alex Telles. (Newcastle Chronicle)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta waxa uu sheegay in agaasimaha farsamada kooxdaas ee Edu uu samaynayo qrosheyaal suuqa iibka ah bisha January, isla markaana suuqoodu noqon doono mid aanay cidina sii saadaalin karayn. (London Evening Standard)

Leicester City waxay xiisaynaysaa laacibka khadka dhexe ee reer Portugal ee William Carvalho oo ah 28 jir u ciyaara Real Betis. Foxes waxay qorshaynaysaa inay lasoo saxeexato laacibkan bisha January si ay iskugu xoojiso. (La Razon)

Khadka dhexe ee weerarka reer France ee Houssem Aouard oo 22 jir ah, lalana xidhiidhiyey Arsenal xagaagii ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo Lyon. (RMC Sport)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More