Falastiin: Nolosha oo ‘si aan caadi ahayn ugu adag’ dadka

Qiyaastii 48,000 oo qof oo ku nool Qaza, ama qiyaastii 2.4 boqolkiiba dadka, ayaa leh naafo, sida lagu sheegay tirakoobka rasmiga ah.

Dadka naafada ah waxa ay wajahaan nolol “aan caadi ahayn oo adag” Marinka Gaza sababo la xiriira go’doominta Israel iyo caawimaad la’aanta Xamaas oo maamusha xadka, ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Human Rights Watch (HRW).

Laba milyan oo reer Falastiiniyiin ah ayaa ku nool faqriga iyo colaadaha ragaadiyay dhulalka u dhexeeya maamulka Israel, Masar iyo Badda Mediterraneanka.

Warbixin ay soo saartay maanta oo khamiis ah, maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah, HRW waxa ay ku sheegtay in xayiraada Israel kusoo rogtay 2007 dhulkaas kadib markii ay sare u keceen Xamaas “dadka naafada ah ee ku nool Gaza waxa ay awoodiwaayeen xorriyadoodii dhaqdhaqaaqa”.

Sida laga soo xigtay Xafiiska rasmiga ah ee Tirakoobka Falastiin, qiyaastii 48,000 oo qof oo ku nool Gaza, ama qiyaastii 2.4 boqolkiiba dadka reer Falastiin, ayaa naafo ah. In kabadan shan meelood meel waa caruur.

“Dadka qaar ayaa noqday naafonimo kadib dhaawacyo ka dhashay adeegsiga hubka ee maamulka Israa’ii” ayay tiri warbixintu.

Emina Cerimovic, oo ah baare sare oo ka tirsan qaybta xuquuqda naafada ee HRW, ayaa sheegtay in maamulka Israa’iil ee xadka bari ee Gaza ay sidoo kale wax u dhimayso “helitaanka aaladaha dadka naafada ah, korontada, iyo tikniyoolajiyadda ay u baahan yihiin in ay kula xiriiraan ama guryahooda uga baxaan”.

Israel ayaa xaddideysa soo gelitaanka Gaza ee alaabada loo adeegsan karo ujeedo militari waxayna xakameyneysaa qulqulka shidaalka loo baahan yahay si loo xoojiyo warshadda dhaliya korantada.

Warbixinta ayaa xustay saameynta soo noqnoqoshada korontada ee dadka naafada ah ee u baahan iftiinka si ay ugula xiriiraan luuqada dhagoolaha, ama wiishashka korantada ama mootooyinka si ay u wareegaan.

Waxaan dareemayaa nolol xumo ‘

Haweeney 26 sano jir ah oo naafo ah ayaa la soo tabiyay iyada oo sheegaysa in ay qasab tahay in ay joojiso in ay u baxdo bannaanka sababo la xiriira iyada oo aan awoodin in ay lacag ka soo aruusato suuqyada qaab dawarsi ah.

“Koronto yaraanta ayaa noloshayda xukunta,” ayay tiri. “Waxa ay iga dhigeysaa inaan dareemo in badan oo naafonimadayda ah.”

Warbixintu waxa ay intaa ku daray in Xamaas, oo saddex dagaal la gashay Israel tan iyo 2008, ay ku fashilantay in ay bixiso jaranjaro ama wiish ku filan dhismayaal badan oo ku yaalla deegaanka.

“Siyaasadaha Israel, oo ay weheliso ku guuldareysiga mas’uuliyiinta Xamaas in ay wax ka qabtaan  marin la’aanta guud ahaan Gaza iyo ceebeynta baahsan, waxa ay gacan ka geysaneysaa in nolosha Gaza ay si aan caadi ahayn dad badan ay noqdaan kuwa naafo ah,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Warbixinta ayaa soo xigatay seddex haween ah oo naafada ka ah maqalka iyagoo leh isbitaalada dowlada ma bixiyaan adeegyo luuqadaha dhagoolaha.

“Mar kasta oo aan aado isbitaal iyadoo uusan jirin qof ii turjumaya, waxay ku qoraan warqad yar oo ah inaan soo noqdo oo aan qof keensado,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka. “Khibraddan ayaa iga dhigtay inaan dareemo nolol xumo ”.

SOURCE : AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More