Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Bruno Fernandes.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ayna muhiimada ugu horaysa u arag in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Khadka dhexe ee Bruno Fernandes sida ay sheegayaan wararku.

Kabtanka Red Devils ayaa mar kale qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo haliyay 15 gool halka uu caawiye ka noqday 13 kale.

Waxa jirtay shaki ku jiray mustaqbalkiisa iyada oo Bayern Munich xiiso u qabtay saxiixiisa.

Sidoo kale kooxaha sucuudiga ka ciyaara ayaa xiiso u qaba xiddiga iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan.

Si kasta ha ahaatee ida laga soo xigtay wargayska Manchester Evening News, heshiiska cusub ee Bruno Fernandes ayaan ahayn muhiimada 1-aad ee Man United.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More