Man United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixiisa Daafac Aad Loo Qiimeeyo

Kooxda Man United Ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay Saxiixiisa xiddiga daafaca uga Ciyaara kooxda lille ee Leny Yoro.

Yoro ayaa ka mid ah Xiddigaha da’a yarka ah Ee Ugu Fiican ee soo baxaysa Kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku Soo bandhigay kooxda Lille.

Xiddiga reer France Oo 18 jir ah ayaa door ka ciyaaray in ay Lille u Soo baxdo champions league xilli ciyaareedka dambe.

Sida Laga Soo xigtay wargayska Marca,Man United Ayaa Qaaday Talaabo deg-deg ah iyaga Oo dalab ka gudbisay saxiixa xiddiga reer France.

Arintan ayaa imanaysa Kadib markii maamulka Man United wadahadalo toos ah la qaaateen xiddiga Final-kii champions league

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More