Man City Oo Go’aamiyay Badalka Guardiola.

Maamulka Man City ayaa isku raacay Oo go’aamiyay tababaraha badali Doona Pepe Guardiola.

Pep Guardiola ayaa man city kula jira heshiis dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha reer Spain ayaa la filayaa in uu Soo af jaro 9 Sano oo uu joogay kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka dambe inkasta Oo uu heshiis cusub u saxiixi karo kooxda.

Si kasta ha ahaatee man city ayaa diyaarisay Badalkiisa hadii uu ka tago Kooxda.

Maamulka Man City ayaa isku raacay in tababaraha bayer Leverkusen ee Xabi Alonso noqodo Badalka Guardiola.

Xabi ayaa ka mid ah tababarayaashaa Soo kacaya ee wacdaraha ka dhigaya kubada cagta Wakhti xaaadirkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More