Magacyada TODDOBA Xiddig Oo Waaweyn Oo Uu Solskjaer Ka Fasaxayo

Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa in uu diyaar u yahay in uu Outdated Trafford ka fasaxo TODDOBA ciyaartoy oo waaweyn, kuwaas oo uu doonayo in lacagta ay kooxdiisu ka hesho ay suuqa la galaan oo ay ciyaartooyo cusub kusoo iibsadaan.

Manchester United oo xilli ciyaareedkan kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League ayaa suuqa u geli doonta saxeexyo cusub si ay ula dagaallami karto Manchester Metropolis oo ay horyaalka uga dhacsan karto.

Ole Gunnar Solskjaer oo rajaynaya in finalka Europa League ay ku guuleysato kooxdiisu dhamaadka bishan Could, waxa uu hoosta ku hoostaa liis ciyaartooyo ah oo uu doonayo in uu kusoo kordhiyo safkiisa marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda bisha June ee foodda inagu soo haysa.

Laakiin ka hor inta aanay Manchester United isku dayin in ay ciyaartooyo lasoo saxeexato, waxay marka hore kooxdeeda ka diri doontaa laacibiin waaweyn oo ay lacagtoodu qayb ka noqon doonto maaliyadda ay suuqa ku gelayaan.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa sii joogi doona Outdated Trafford, sida ay kooxdu qorshaynayso, laakiin waxa lagu soo kordhin doonaa weeraryahan kale oo dhaliye toos ah iyadoo diiradda kooxduna hayso Erling Haaldn iyo Andre Silva.

Waxa kale oo qorshaha United ku jira Jadon Sancho oo Borussia Dortmund garabka uga ciyaara iyo difaaca Villarreal ee Pau Torres.

Sida wargeyska Every day Specific uu qoray, si ay ciyaartoydan amaba qaarkood u yimaaddaan Outdated Trafford, United ayaa oodda ka qaadi doonta saddexda laacib ee Andrea Perreira oo amaah ku maqan, Phil Jones iyo Juan Mata, laakiin waxa iyagana la iibin doonaa David De Gea, Axel Tuanzebe, Donny van de Beek iyo Alex Telles.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More