Laba Sabab Oo Ay Man United Go’aan Uga Gaadhi Laadahay Mustaqbalka Ten Hag Oo La Ogaaday.

Man United ayaa ku jirta xaalad hubaan la’aan ah oo ku saabsan mustaqbalka tababaraha Kooxda ee Erik Ten Hag.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegtay in xiddigaha Man United go’aan ka gaadhi doonaan mustaqbalkooda marka uu kala cadaado mustaqalka Tababare Ten Hag.

Saxiixyada cusub ayaan sidoo kale noqon doonin mid fudud maadama xiddiguhu doonayaan in ay go’aadaan cida hogaamin doonta kooxda.

Sida laga soo xigtay isla wargayska waxa jirta laba sabab oo ka dambaysa dib u dhaca go’aanka laga gaadhayo mustaqbalka Ten Hag.

Sababta ugu horaysa ayaa ah hadii ay United doonayso in uu Ten Ha sii joogo kooxda waxay u baahan yihiin in ay heshiis cusub ka saxiixdaan maadama ay halis ugu jiraan in ay kooxaha kale ka qaataan xilli ciyaareedka dambe.

Sababta kale ayaa ah maamulka kooxda ee INEOS ayaan wax go’aan ah qaadan karin la’aanta laba qof kuwaas oo kala ah Agaasimaha ciyaaraha iyo maamulaha kooxda.

Omar Berrada oo noqday maamulaha guud ee kooxda ayaan bilaabi doonin shaqada Man United ilaa 13 July halka Agaasimaha ciyaaraha ee Dan Ashworth uuna ka qayb noqon doonin shaqada United ilaa la xaliyo muranka Newcastle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More