5 Xiddig Oo Xulka England Ah Oo Halis Ugu Jira In Ay Seegaan Semi-final-ka Euro 2024, Sabab.

Shan ka mid ah ciyaartoyda England ayaa kulanka Switzerland Soo galaya iyaga oo halis uGu jira ganaax tartanka Euro 2024.

- Advertisement -

Xulka England ayaa si cajiib ah isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay guul wakhti dambe ah ka gaadheen Xulka Slovakia.

Xulka Saddexda Libaax ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan Semi-final-ka tartanka Euro 2024 marka ay la ciyaari doonaan xulka Switzerland.

Laakiin ilaa shan ciyaaryahan oo England ah ayaa laga yaabaa inay seegaan kulanka semi-finalka hadii ay kaadhka digniinta ah qaataan kaadhka digiinta ah kulanka Switzerland.

Xiddigaha Jude Bellingham, Phil Foden, Kobbie Mainoo,Kieran Trippier iyo Conor Gallagher ayaa dhamaantood qaatay hal digniin ah waxana ay seegi doonaan Semi-final-ka Hadii ay qaataan kaadh dignii ah kulanka xulka Switzerland.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More