Kylian Mbappe Oo Kala Wareegay Griezmann Masuuliyadda Kubbadaha Laadka

Xiddiga da’da yar ee Kylian Mbappe ayaa lagu wareejiyey masuuliyadda kubbadaha laadka xorta ah ee xulka qaranka France, waxaanu ka beddelayaa Antoine Griezmann oo hore u ahaa ciyaartoyga uu Didier Deschhamps u doortay inuu laado kubbadaha ay ka helaan agagaarka goolka  kooxaha kaoso horjeeda.

Sida ay sheegtay warbaahinta Faransiiska ee RMC iyo Get French Foobtall News, Kylian Mbappe  ayaa noqon doona ciyaartoyda loo daynayo kubbadaha xulka dalka Faransiisku ka helo duleedka goolka kooxda kasoo horjeedda.

Tababare Didier Deschamps ayaa go’aamiyey in Kylian Mbappe  uu noqday ciyaartoyda laadaya kubbadahan ku toosan goolka kooxda kasoo horjeedda, waxaana lagu amrayaa inuu si toos ah u toogto, iskuna dayo inuu dhaliyo halkii uu ciyaartoyda kale madax u saari lahaa.

Kylian Mbappé has now formally taken over from Antoine Griezmann as the free-kick taker for France. (RMC)

— Get French Football News (@GFFN) June 21, 2021

Antoine Griezmann ayaa isaguna sii wadan doona laadista kubbadaha dhinaca ah ee ay tahay in ciyaartoyda kale madax loo saado.

Laakiin arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay, in Kylian Mbappe  aanu waligii dhalinin kubbad laad xor ah, waxaanu go’aanka Deschamps noqonayaa mid ka yaabiya ciyaartoyda iyo taageereyaashaba.

Warkan ayaa waxa uu bixinayaa tibaax ah, in Mbappe uu yeelanayo awoodda qolka lebbiska, sarena loogu qaadanayo kalsoonidiisa maadaama uu yahay ciyaartoyga inta badan laga sugayo guusha.

Weeraryahankan 22 jirka ah oo qayb ka ahaa xulka qaranka France ee ku guuleystay Koobkii Adduunka 2018, ayaa waxa uu xidhiidhinayaa jiilka sii weynaanaya ee xulka France iyo ciyaartoyda soo kacaysa ee uu kaliya garoomada kaga soo lug horreeyey.

Kylian Mbappé will take free-kicks where he can shoot on goal, Antoine Griezmann will continue to take free-kicks that are intended as crosses.

— Get French Football News (@GFFN) June 21, 2021

Kylian Mbappe ayaa lala xidhiidhinayaa inuu xagaagan ka tegayo PSG oo uu u wareegayo Real Madrid, iyadoo qandaraaskiisa Parc des Princes uu ka hadhsan yahay sannad kaliya, isla markaana uu diiddan yahay heshiis cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More