Kooxda Sanadka 2020 ayaa shaaca ka qaaday – Immisa ciyaartoy

Kooxda ugu fiican sanadka 2020 ayaa lagu dhawaaqay iyadoo ay kujiraan qaar kamid ah magacyada ugu waa weyn kubada cagta yurub.

Xiddigaha reer Argentine iyo kuwa reer Portugal ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay kooxda sanadka ee FIFA ee sanadka 2020.

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa loo magacaabay safka weerarka ee Kooxda Sanadka, sidoo kale waxaa ku wehliya kabtanka Real Madrid iyo xulka Spain Sergio Ramos.

Thiago Alcantara, ciyaaryahanka reer Spain ee ku luglahaa guushii Bayern Munich una dhaqaaqay Liveprool xagaagii, ayaa khadka dhexe kula wehliya Kevin de Bruyne iyo Kimmich.

Daafacyada Liverpool Alexander-Arnold iyo Virgil van Dijk ayaa ku biiraya Sergio Ramos iyo Davies kooxda sanadkaan, halka goolhaye Alisson Becker uu isna ku jiro kooxda sanadkan.

Sergio Ramos iyo inuu ka mid yahay kooxihii ugu fiicnaa sanadka wuxuu yiri:

Waan jeclahay in sanad walba wax walba laga bilaabo meel hoose, waxaan jeclahay inaan yeesho hadafyo cusub oo aan gaaro sanadwalba waxyaabo cusub si aan u noqdo ciyaaryahan wanaagsan, sharaf ayay ii tahay inaan ka mid noqdo kooxda ugu fiican adduunka. ”

Jadwalka sanadka kooxda oo dhameystiran:

GOOOL: Alisson

Daafacyada: Alexander-Arnold, Van Dijk, Ramos, Davies

Dhexda: Kimmich, De Bruyne, Thiago

Weerarka: Messi, Lewandowski, Ronaldo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More