Koox Premier League Ah Oo Heshiis Hordhac Ah Ka Saxiixeysa

Manchester City ayaa heshiis hordhac ah ka saxiixeysa Lionel Messi bisha Janaayo iyadoo qandaraaskiisa Barcelona uu sii dhamaanayo.

Qandaraaska xiddiga reer Argentina ee Camp Nou ayaa dhamaanaya dhamaadka xilli ciyaareedkan iyadoo xagaagii la soo dhaafay uu dalbaday in la fasaxo.

Man City oo uu tababare ka yahay macalinkii hore ee Barcelona Pep Guardiola ayaa ugu cadcadeyd saxiixiisa laakiin kooxda Catalans ayaa ku adkeysatay xagaagii in sida kaliya ee uu ku bixi karo inay tahay in miiska la soo saaro 700 milyan euro oo lagu burburinayo qandaraaskiisa.

Ka dib markii uu iscasilay madaxweynihii Barcelona Josep Bartomeu, waxaa lagu fekerayay inay keeneyso inay dib u bilaabanayaan wadahadaladii qandaraas kordhinta ee Lionel Messi.

Laakiin sida ay sheegtay jariirada Telegraph, wadahadaladaas ma dhici doonaan ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan madaama doorashada madaxtinimada kooxda ay dhici doonto bisha March.

Waxay taasi u ogolaan doontaa Messi inuu wadahadalo la galo kooxo kale bisha Janaayo taasoo soo gabagabeyn doonta 20kii sannadood ee uu joogay Blaugrana.

Madaxa fulinta Man City Omar Berrada ayaa dhawaan xaqiijiyay in kooxda ay weli xiiseyneyso inay Messi keento Etihad Stadium.

Messi ayaa ka caawiyay Barcelona seddex koob oo La Liga ah iyo labo Champions League markii uu ka hoos ciyaarayay Pep Guardiola.

33 jirkaan ayaa dhaliyay seddex gool sideed kulan uu saftay ilaa iyo haatan isagoo ka hoos ciyaaraya tababarihii hore ee Everton iyo Southampton Ronaldo Koeman oo haatan hogaaminaya Barcelona.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More