Karim Benzema Oo Dhaawac Soo Gaarey Laba Maalmood Ka Hor Tartanka

Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa dhaawac lagaga saaray qaybta hore ee kulankii saaxiibtinimo ee xalay ay la yeesheen Bulgaria, kaddib markii uu jilibka wax ka noqday, isla markaana uu dalbaday in la beddelo.

Xiddigan dhowaanta dib loogu soo celiyey xulka France oo lix sannadood uu ka maqnaa ayaa rajaynayay in uu ciyaaro tartanka qaramada Yurub oo laba maalmood oo kali ahi ay ka hadhsan tahay waqtiga uu bilaabmayo, hase yeeshee waxa hadda uu mugdi ku jiraa  haddii uu awoodi doono inuu ciyaaro.

Maanta oo Arbaco ayaa lagu samayn doonaa baadhitaano rasmi ah iyadoo laga qaadi doono sawirro, waxaana la filayaa in uu Didier Deschamps ku go’aan qaadan doono wixii kasoo baxa baadhitaanka, taas oo noqon doonta laba mid uun; in laga saaro xulka iyo inuu taam u noqonayo tartanka Euro oo uu kusii jiro xulka.

Sidee ayay wax ugu dhaceen Benzema?

Benzema ayey isku dhaceen difaaca Bulgaria ee Ivan Turitsov qaybta hore ee kulankii saaxiibtinimo ee ka dhacay garoonka qaranka ee State de France. Dhacdadan oo ahayd daqiiqaddii 37aad, waxa Benzema gargaar u fidiyey dhakhaatiirta waxaanu isku dayay inuu sii wato ciyaarta.

Laakiin mar kale ayuu dhulka fadhiistay isagoo is-haya jilibka, waxaana lagu soo beddelay Olivier Giroud daqiiqaddii 41aad, taas oo keentay in laga walaaco dhaawaciisa, maadaama uu waqti hore baxay.

Maxaa laga yidhi dhaawaca Benzema?

Tababare Didier Deschamps ayaa hoos u dhigay halista dhaawac ee Karim Benzema, waxaana uu tilmaamay in ay ahayd jug kaliya.

“Waxay ahayd jug” Ayuu u sheegay warbaahinta M6, isagoo intaa raaciyey: “Waxay wax kaga dhaceen muruqua ka sarreeya jilibka, waxaanu dareemay inay sii adkaanayso sidaas darteed ayaanu u qaadanin khatar. Hadda waxa la jooga kooxda caafimaadka.”

Hormada adag ee France kaga jiro Euro

Xulka qaranka France ayaa ku jira Hormada ugu adag ee ‘Group Death’, waxaanay meel ku wada jiraan Portugal, Germany iyo Hungry.

Kulanka ugu soo horreeya ee tartankan, Faransiiska ayaa Salaasada la ciyaari doona Germany oo ay ugu tegayaan magaalada Munich.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More